Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray tallaabadii ay maanta qaadeen Golaha Wasiirrada, kaasi oo lagu meel-mariyey qaraarka adkaynta hufnaanta maaraynta maaliyadda dallka.
Tallaabada Golaha Wasiiradda ayaa waxa uu ku tilmaamay mid looga hortago musuq-maasuqa, loona taabo-galinayo xafiisyo dawladeed oo u shaqeeya dalka iyo dadka.
Qaraarka Golaha Wasiirradu waxa uu adkeynayaa, soona rogayaa halbeegyo la tacaalaya howlaha muhiimka ah, daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyadoo lasoo bandhigayo hantida masuuliyiinta qaranka, la kobcinayo awoodda hirgalinta, lana balaarinayo shaqaaleynta ku dhisan tayo-soorka.
Qaraarka Adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka ayaa ka kooban illaa 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Maaraynta Maaliyadda Guud ee Dalka, Maaraynta Dakhliga Dalka, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha.