Home Wararka Maanta WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Xasan shiikh oo Warkasoo Saaray Talaabadii ay...

WAR DEG DEG AH: Madaxweyne Xasan shiikh oo Warkasoo Saaray Talaabadii ay Maantay Qaadeen Golaha Wasiirada Soomaaliya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray tallaabadii ay maanta qaadeen Golaha Wasiirrada, kaasi oo lagu meel-mariyey qaraarka adkaynta hufnaanta maaraynta maaliyadda dallka.

Madaxqeynaha ayaa waxa uu soo dhaweeyay qaraarkaas ay maanta ku ansixiyeen golaha wasiirradu shirkooda todobaadlaha, kaas oo ku saleysan adkeynta tallaabooyinka lagu xaqiijinayo hufnaanta hanaanka maaliyada iyo tayo-soorka shaqaalaha.

Tallaabada Golaha Wasiiradda ayaa waxa uu ku tilmaamay mid looga hortago musuq-maasuqa, loona taabo-galinayo xafiisyo dawladeed oo u shaqeeya dalka iyo dadka.

Qaraarka Golaha Wasiirradu waxa uu adkeynayaa, soona rogayaa halbeegyo la tacaalaya howlaha muhiimka ah, daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyadoo lasoo bandhigayo hantida masuuliyiinta qaranka, la kobcinayo awoodda hirgalinta, lana balaarinayo shaqaaleynta ku dhisan tayo-soorka.

“La dagaalanka musuqu ma aha kaliya waajib akhlaaqi ah, ee waxa uu, sidoo kale, halbeeg u yahay Soomaaliya ku naalloota horumar waara, cadaalad iyo sinaan. Sidaas darateed, waxaa naga go’aan inaan dhisno hanaan daah-furan, isla xisaabtan leh oo uu adeega shacabka Somaliyeed”

Qaraarka Adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka ayaa ka kooban illaa 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Maaraynta Maaliyadda Guud ee Dalka, Maaraynta Dakhliga Dalka, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha.

Si kastaba, Qaraarkan ayaa ah mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.
Ad
Previous articleAabihii dhalay wiilka 3 sano jirka ahaa ee xubinta taranka laga jaray oo ka Hadlay Dhacada Xanuunka Badan oo loogaystay Wiilkiisa
Next articleIsbeddel layaab leh oo dhacay saddex maalin kahor doorashada dalka Turkey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here