Home Wararka Maanta Aabihii dhalay wiilka 3 sano jirka ahaa ee xubinta taranka laga jaray...

Aabihii dhalay wiilka 3 sano jirka ahaa ee xubinta taranka laga jaray oo ka Hadlay Dhacada Xanuunka Badan oo loogaystay Wiilkiisa

0

Booliska dowlad deegaanka Soomaalida ayaa xiray nin la sheegay in uu ku eedeysan yahay dhaawac loo geystay wiil yar oo carruur ah. Ninkan oo magaciisa iyo tilmaamihiisa gaarka ah la qariyay ayaa la qabtay kadib markii la weeraray wiil yar, kaas oo si xoog ah xubinta taranka lagaga jaray. Falkan ayaa ka dhacay degmada Danood ee gobolka Doolo.

Aabbaha dhalay wiilka oo la yiraahdo Maxamed Cabdullaahi Xaydh wuxuu BBC u sheegay in ninka falka gaystay uu yimid guriga xilli ay isaga iyo xaaskiisaba maqnaayeen.

“Guriga oo cidlo ah, oo aan aniga iyo wiilka hooyadii maqannahay ayuu qofkaas guriga yimid. Gabar yar oo 5 jir ah oo wiilka u qubaynaysay ayuu weydiiyey in aan joogo, markii ay u sheegtay in aan maqanahayna middi afweyn ayuu cunugga oo loo qubaynayey kaga jaray xiniinyaha” ayuu yiri Maxamed Cabdulaahi Xaydh.

“Mar labaad ayuu middida ka geliyey kellida. Xiidmihii iyo calooshii ayaa isa soo shubay. Anigu suuqa ayaan ka soo maqlay qaylo ka baxaysa guriga iyo dumar barooranaya” ayuu sii raaciyey.

Ninka weerarka gaystay oo iminka gacanta lagu hayo ayaa wiilka ka weeraray xiniinyaha iyo kellida. “Caloosha hadda waa lagu celiyey” sida uu sheegay aabaha wiilka Maxamed C/laahi Xaydh, wuxuuse sheegay in xaaladda wiilka oo saaka la soo gaarsiiyey magaalada Jigjiga ay hadda sii darsanayso.

“Xalay intii la so waday caafimaadkiisa wax baa iska beddelay sababo la xiriira safarka waddada, haddalka hadalkiisu wuu yara naaqusay, bidhaantiisuna way yara noqotay” ayuu yiri Xaydh.

Qof la tuhmay oo laga soo xiray tuulada Laandheer ayaa lagu hayaa saldhiga booliska ee degmada Danood. Boolisku saldhiga Danood ee koonfur berri ka xiga waxay sheegeen in wareysiyo iyo baaritaano hordhac ah oo la la yeeshay eedeysanaha in uu qirtay in uu geystay weerarka lagu waxyeeleeyay ilmaha yar. Qofka la tuhmay ee xiran ma leh qareen, ma na jiraan illo booliska ka madaxbanaan oo laga hubin karo xogta booliska.

Saraakiisha boolisku waxay sheegeen in weli ay wadaan baaritaan dheeraad ah, iyada oo kiiska iyo eedeysanahaba loo wareejinayo saldhiga booliska degmada Wardheer ee xarunta gobolka Doolo.

Saraakiil boolis iyo dad si dhow ula socda kiiska waxay BBC u sheegeen in qofka la xiray uu sheegay in uu wiilka yar u weeraray si uu uga aarguto dhaawac hore oo wiilka aabehii u geystay ninka hadda wax dhaawacay. Xogtu waxay intaa ku dartay in aabeha wiilka dhaawaca ah uu horey xaniinyaha uga laaday ninka weerarka geystay, taas oo ninku sheegay in ay saameysay tarankiisa. Booliska degmada ma leh awood iyo farsamo lagu hubiyo fayoobida maskaxda ee dadka falalka noocan ah loo xiro.

Maxamed C/laahi Xaydh wuxuu dalabaday in ninkaas ciqaab sharciga waafaqsan la mariyo.

Xubno ka Tirsan Kooxda Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta Jubaland ay iska kaashadeen howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab. Howlgalkaan ayaa ka

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,
Ad
Previous articleSarkaal sare iyo ciidamo kasoo goostay Somaliland oo ku biiray SSC
Next articleWAR DEG DEG AH: Madaxweyne Xasan shiikh oo Warkasoo Saaray Talaabadii ay Maantay Qaadeen Golaha Wasiirada Soomaaliya