Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ku qabtay xubin ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayey inuu si dhuumaalaysi ah ugu safro magaalada Gaalkacyo.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cabdullaahi Jaamac oo kooxda looga yaqaanay Fahad ayaa waxa uu sheegay in Aabihiis uu ku tashkiiliyay ku biirista kooxda Al-Shabaab, xilli uu ku sugna magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in markii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Baydhabo in madaxda ka sarreysa ay ku amreen in uu tago magaalada Gaalkacyo oo uu ku dhashay si uu falal amni darro uga geysto.
Saraakiisha ciidanka hay’adda NISA ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ninkaan maanta la qabtay ay xogtiisa hayeen, ayna muddo ay ku raadjoogeen, islamarkaana hataan ay ku wareejin doonaan hay’adaha garsoorka dalka.
Si kastaba, Dagaalka Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa ka socda guud ahaan gobollada dalka, iyada oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay deegaano dhawr ah kala wareegeen dagalaamayaasha kooxda, kuwaasi oo sanado badan ay ka talinayeen.