Home Wararka Somaliya Puntland P.M Xamsa Cabdi Bare oo weerar Afka ah ku Qaaday Madaxweyne...

P.M Xamsa Cabdi Bare oo weerar Afka ah ku Qaaday Madaxweyne Siciid Deni

0

Raiisul Wasaare Xamse “Dadka Puntland waxay weligood hormuud u ahaayeen dawlad-dhiska Soomaaliya. Maanta waxaa la maraya heer xasaasi ah oo howshii deyn-cafinta ay gebagebo mareyso. Dalkaan oo deynta laga cafiyo horumarna la gaarsiiyo waa lagama-maarmaan. Waxaan ku baaqayaa in aanan taariikhxumo loo soo jiidin shacabka Puntland, oo horumarkii dalku gaari lahaa uusan u fashilmin diidmo iyo caqabad ka timid maamulka Puntland”.

Doorashada Puntland wuxuu ka yiri “In doorasho qof iyo cod ah la qabto waan soo dhawaynayaa. Laakiin haddii ay taas suurtogali waydo oo lagu heshiin waayo, waa in wax heshiis lagu yahay la sameeyaa. Haddii nidaamka doorasho ee hadda jiro laga guurayo waa in uu noqdaa guurid la isku wada raacsan yahay”.

Wuxuu kaloo sheegay in ay dawladda Federaalku dhallinyarada Puntland diyaar u la tahay ilaa 400 oo shaqooyin Macallinnimo ah iyo fursado kale oo ciidannimo leh, laakiin nasiibarro uu maamulka Puntland uu dano siyaasadeed dartood u diiddan yahay inay dhallinyaradu fursadahaas ka faa’ideystaan.

Ad
Previous articleSarkaal Ka Tirsanaa Alshabaab oo Ku Wajahnaa Magaalada Gaalkacyo oo Gacanta Lagu Dhigay
Next articlehorjooge Macallin Eyman oo Ka Tirsanaa Alshabaab oo Shaqa joojin lagu Sameeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here