Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd ku dhawaaqay in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka badan 8 Milyan oo dollar sanadkan, kaddib markii meesha laga saaray musuq maasuqii ka jiray adeegga Xajka, hoosna loo dhigay qiimaha.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo arrintaan shaaciyay, ayaa waxa uu sheegay in meesha laga saaray lacago badan oo si musuq-maasuq ah loo dul saaran jiray xujeyda Soomaalida.
“Wuxu marka uu yahay cadaalada iyo itus oo itaabsi damiirka dadku waa ku qancaya, waxaa rejaynayaa in raali la noqday. Waxaa isku deynay in shaqadaan cibaadada ah Ilaahay uga baqno oo dadka Soomaaliyeed aan u fududeyno in alaala inta u fududeyn karno, maadama aan ka bixin karin aan inay wax iska bixin karaan u fududeyno intii nooga aadaneyd,” ayuu yiri.
“Waxaa ogaanay in dadkeenu beylaha badan soo mareen oo dhibaato badan soo mareen oo aan isku naxariisan jirin inagu laftigeenu oo meel walba isku istaagnay, qof walba meeshu wax ka goosan karayay ka goosto, qofkii ganacsato ahaa uu wax kasii goosto, oo ugu dambeyntana qofkii miskiinka ahaa la dul-saarayo.”
Sidoo kale waxa uu sheegay inay dowladda ka daba tagtay oo hal hal usoo eegtay adeegyada ay helaan xujeyda Soomaaliyeed iyo qiimayaasha markii hore la iska dul dhigan jiray, kuwaasi oo meesha laga saaray.
“Waa guul weyn oo la gaaray iyo meel fog oo laga keenay waxayna ku timid in musuqii laga saaray meesha oo la isku daalac naasiliyay isaga oo isha lagu hayo qofka muwaadinka ee Xaajiga ah.”
Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay dadaal badan ku bixiyeen in qofka Soomaaliyeed ee Xaajiga ah uu helo adeeg wanaagsan, kaasi oo ka bilaabanaya duulista illaa soo celinta.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni
In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday