Home Wararka Maanta Kooxaha Falastiiniyiinta ayaa gantaallo ku garaacay Israel ka dib markii uu gaajo...

Kooxaha Falastiiniyiinta ayaa gantaallo ku garaacay Israel ka dib markii uu gaajo u dhintay maxbuus Falastiini ah

0

Maleeshiyada Qaza ayaa in ka badan 20 gantaal ku riday Israa’iil kadib markii uu dhintay maxbuus falastiini ah oo ku xirnaa xabsi ku yaal Israel oo cunada ka soomay.

Saddex ka mid ah shaqaalaha Ajaanibta ah ayaa ku dhaawacantay weerarka, kaasoo yimid ka dib markii Taangiyada Israel ay duqeeyeen Qaza, taasoo jawaab u ahayd gantaallo hore loogu soo riday.

Maxbuuskan oo lagu magacaabo Khader Cadnaan ayaa ahaa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Islamic Jihad, waxaana lagu soo oogay dambiyo argagixisanimo.

Maamulka Israel ayaa sheegay in uu diiday daryeel caafimaad intii uu ku guda jiray shaqo mudaharaad soon ah oo 87 maalmood ahaa.

Balse mid ka mid ah qareenadiisa ayaa ku eedeeyay dayacaad dhanka caafimaadka ah, waxaana ra’iisul wasaaraha Falastiin uu ku tilmaamay dhimashadiisa mid “dil ula kac ah”.

Dallad matalaysa kooxaha hubaysan ee Gaza oo ay ku jirto Islamic Jihad, ayaa sheegtay in gantaalka la riday uu “jawaab bilow ah u yahay dambigan foosha xun”.

Saddexdii gantaal ee ugu horreeyay, oo la riday saacado ka dib markii lagu dhawaaqay dhimashada Cadnaan, ayaa ku dhacay goobo bannaan, sida ay sheegeen ciidammada difaaca Israa’iil (IDF).

Ka dib IDF waxay sheegtay inay Gaza ku garaaceen “rasaasta taangiga” iyaga oo ka jawaabaya gantaalada lagusoo riday. Wax yar ka dib, IDF waxay sheegtay in mintidiintu ay soo rideen 22 gantaal oo kale, oo afar ka mid ah uu qabtay nidaamka difaaca gantaalaha Israel ee Iron Dome , 16 ka mid ahna waxay ku dheceen meelo banaan ah.

Ugu yaraan hal ayaa ku dhacay dhisme ku yaalla magaalada Sderot ee koonfurta Israa’iil, halkaas oo adeegga ambalaasta ee Magen David Adom uu sheegay in saddex shaqaale ajnabi ah ay ku dhaawacmeen firirka oo mid ka mid ah uu aad u culus yahay.

Xiisada ayaa ka dhalatay dhimashadii Khader Cadnaan, kaas oo marar badan lagusoo xiray xabsiga Israel labaatankii sano ee la soo dhaafay.

45-jirkan ayaa afar jeer oo hore cunnada ka soomay, isagoo ka mudaaharaadayay, taas oo keentay in uu caan ka dhex noqdo Falastiiniyiinta.

Halka maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku jira xabsiyada Israa’iil ay inta badan qaataan go’aan ay ku diidaan cuntada, tani waxaa la rumeysan yahay inay tahay geeridii ugu horreysay ee noocaas ah muddo soddon sano ah.

Cadnaan waxa uu bilaabay cunto-joojin shanaad isla markiiba ka dib markii ay ciidammada Israa’iil ku xidheen gurigiisa oo ku yaalla Arraba, oo u dhow magaalada Jenin ee woqooyiga Daanta Galbeed, 5tii Febraayo.

Maamulka Israa’iil ayaa ku eedeeyay inuu taageero argagixisada, kuna xiran yahay koox argagixiso iyo kicin, waxaana lagu waday in bishan maxkamad la soo taago.

Balse kooxda u dooda xuquuqda maxaabiista Falastiin ee Addameer ayaa sheegtay in lagu hayo “dacwooyin been abuur ah oo la doonayo in lagu sii caburiyo dhaqdhaqaaqayaasha Falastiiniyiinta”.

Toddobaadkii hore Kooxda Maxaabiista Falastiiniyiinta oo ah koox kale oo u doodda maxaabiista, ayaa ka digtay in xaaladda caafimaad ee Cadnaan ay “aad u daran tahay”. Waxa ay sheegtay in uu diidayo kaabista nafaqada iyo baadhitaanada caafimaadka.

Xaaska Cadnaan, Randa Mousa, ayaa sheegtay inuu sidaas u yeelayo sababtoo ah mas’uuliyiinta Israa’iil waxay ” diideen in loo wareejiyo isbitaal rayid ah [waxayna] u diideen inuu qareenkiisa soo booqdo”.

Talaadadii, Adeegga Xabsiga ee Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in Cadnaan ” Subaxnimadii hore ee saaka ayaa laga helay qolka uu ku jiray isagoo miyir daboolan”, halkaas oo looga qaaday isbitaal lagu daaweeyo oo la sheegay inuu dhintay kadib markii ay fashilmeen dadaallo lagula tacaalayey.

Sarkaal sare oo ka tirsan Israa’iil ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Cadnaan uu naftiisa halis galiyay kadib markii uu diiday daryeel caafimaad, isaga oo intaa ku daray “Maalmihii la soo dhaafay, maxkamadda rafcaanka milatariga ayaa go’aansatay in aan xabsiga laga sii dayn sababo la xidhiidha xaaladiisa caafimaad oo keliya.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaaraha maamulka Falastiin, Maxamed Shtayyeh ayaa sheegay in Israa’iil ay “fulisay dil ula kac ah oo ka dhan ah maxbuuska Khader Cadnaan, iyadoo diiday codsigiisii ahaa in la sii daayo oo dayacday xaaladdiisa caafimaad, isla markaana lagu hayey qolka inkastoo xaaladdiisa caafimaad ay aad u daran tahay.”

Islamic Jihad, oo ah kooxda labaad ee ugu awoodda badan marinka Gaza ee Xamaas maamusho, ayaa yiri: “Dagaalkeenu wuu sii socdaa, cadawguna wuxuu ogaan doonaa mar kale in dembiyadooda aysan dhaafi doonin jawaab la’aan.

Randa Mousa ayaa sheegtay in aysan dooneyn in dadku ay ka murugoodaan geerida ninkeeda.

“Waxaan qaabili doonnaa kuwa samaha jecel oo keliya, sababtoo ah shahiidnimadani waa [sida] aroos oo kale, waa [xaalad] sharafeed iyo taaj madaxa noo suran,” ayay u sheegtay suxufiyiinta Carraba, sida ay sheegtay AFP.

Waxay kaloo ku adkaysatay inaysan doonayn “in dhibic dhiig ah loo daadiyo” arrgoosi.

“Ma doonayno in qofna uu ka jawaabo shuhadada, ma doonayno in qof gantaalo soo rido ka dibna [Israa’iil] ay duqeyso Gaza,” ayay raacisay.

Masiirka maxaabiistooda ku jira Israa’iil ayaa ah arrinta ugu sarreysa Falastiiniyiinta, kuwaas oo Israa’iil ku haysta mas’uuliyadda bed qabkooda.

Xabsiyada Israel waxaa ku jira ilaa 4,900 oo falastiiniyiin ah, sida uu sheegay Addameer.

Intooda badan waxa ay u xiran yihiin ka dib markii ay Israel ku xukuntay maxkamadaha ama loo hayo su’aalo lagu soo oogay ama ay sugayaan ama ay taagan yihiin maxkamad. Waxa ay sheegtay in 1,016 kale ay ku jiraan “xabbis maamul”, waa tallaabo muran badan dhalisay oo tuhmanayaasha lagu hayo muddo aan xad lahayn iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin ama maxkamadayn muddo lix bilood ah oo dib loo cusboonaysiin karo. Falastiiniyiintu waxay aminsan yihiin dhammaan kuwa ay Israa’iil haysato inay yihiin maxaabiis siyaasadeed.

Caddameer ayaa sheegay in masaafurinta Falastiiniyiinta laga soo masaafurinayo Daanta Galbeed ee la haysto ee la geynayo xabsiyada Israa’iil ay tahay sharci darro marka loo eego sharciga caalamiga ah. Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale ka mudaaharaadaya inay ka dhigayso booqashooyinka xabsiyada mid adag sababtoo ah shuruudaha adag ee Israel ay dul dhigayso Falastiiniyiinta ka soo galaya Daanta Galbeed.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Musuq-maasuqii adeegga Xajka oo meesha laga saaray iyo qiimaha oo hoos loo dhigay
Next articleAabe Maxamad Cali Cilmi oo Wiilkiisa Maxamuud Si Arxan Dara ah ugu Dilay Muqdisho oo Gacanta Lagu Soo Dhigay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here