Dagaalyahano hubeysan ayaa maanta oo Khamiis ah weeraray magaalada ugu weyn gobolka Darfur ee dalka Suudaan, waxayna bililiqeysteen dukaamo iyo guryo, sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Rabshadaha ayaa yimid in kastoo xabbad joojin saddex maalmood ah ay socotay, taasoo u dhexeysay labada Jeneraal ee ugu sarreeya Sudan, kuwaasoo loolankooda awoodeed uu dilay boqolaal qof.
Qalalaasaha ka taagan magaalada Genena ee gobolka Darfur ayaa tilmaamaya sida jeneraalada iska soo horjeeda ee ku dagaalamaya caasimadda Khartoum ay rabshadaha socda ugu fidinayaan qaybo kale oo Suudaan ah.
Xabbad-joojintu waxay fududaysay in dad badan ay ka cararaan dagaalka Khartoum iyo magaalada ay deriska yihiin ee Omdurman markii ugu horreysay tan iyo markii ay milatariga iyo xoogagga iska soo horjeeda bilaabeen iska-horimaad 15-kii Abriil.
Milateriga oo uu hoggaaminayo Gen. Abdel Fattah Burhan, ayaa sheegay goor dambe oo manata ah inay aqbaleen xabbad joojin cusub oo 72 saacadood ah taasoo ay garwadeen ka ahaayeen Mareykanka iyo Sacuudiga. balse Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca ka soo horjeeda ee ciidamada gurmadka deg-dega ah ee uu hoggaamiyo Gen. Maxamed Xamdaan Dagalo.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken, oo si isdaba joog ah ula hadlay labada jeneraal gacanna ka geystay dhexdhexaadinta xabbad joojinta, ayaa mar sii horreysay yiri “waxaan si firfircoon uga shaqeyneynaa sidii aan u kordhin lahayn xabbad-joojinta.”
“Waxaan rabnaa inaan hubinno, haddii ay suurtagal tahay, in tan la kordhiyo xabad joojinta. Aad ayaan ugu hawlannahay taas. Waxaan rajaynayaa oo aan filayaa inaan xog badan ka helo arrintaas saacadaha soo socda.” ayuu yiri Antony Blinken.
Xoghayaha Arimaha Dibada ee Britain James Cleverly ayaa ku booriyay muwaadiniinta UK ee doonaya inay baxaan inay aadaan garoon diyaaradeed oo ku yaalla waqooyiga Khartoum si ay u daadgureeyaan duullimaadyada ka hor inta aysan xiliga xabbad joojintu dhammaan Khamiista saqda dhexe. “Xaaladdu way ka sii dari kartaa maalmaha soo socda,” ayuu ka digay. Britain ayaa sheegtay inay daadgureysay 897 qof oo sideeda duulimaad ku tagay Qubrus, iyadoo howluhuna ay socdaan.
Xataa caasimadda, dagaaladu ma joogsan, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Gobolka galbeedka ee Darfur, dadka deegaanka ayaa sheegay in rabshaduhu ay gaareen heerkii ugu xumaa.
Daarfuur ayaa ahayd goob dagaal oo u dhaxaysa millatariga iyo jabhadda RSF tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay ku dhawaad laba toddobaad ka hor. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Genena uu hadda soo jiidanayo maleeshiyo beeleedyo, iyaga oo ka duulaya nacaybka muddada dheer u dhexeeyay labada bulsho ee ugu waaweyn gobolka ee ka soo kala jeeda afrikada Madow iyo Carabta
Horraantii 2000, qabaa’ilka Afrikaanka ah ee ku nool Darfur oo in muddo ah ka cabanayay takoorid ayaa ka soo horjeestay xukuumadda Khartoum, taasoo ku jawaabtay olole millatari oo maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ay markii dambe sheegtay in uu ahaa xasuuq. Maleeshiyada Carabta ee dowladda taageerto ee loo yaqaan Janjaweed ayaa lagu eedeeyay dil baahsan, kufsi iyo tacadiyo kale. Janjaweed ayaa markii dambe u xuubsiibatay RSF.
Aroornimadii Khamiista, dagaalyahanno inta badan xirnaa dareeska RSF ayaa weeraray xaafado badan oo ku yaalla Genena, iyagoo qoysas badan ka kaxeystay guryahooda. Rabshadaha ayaa soo kordhay iyadoo dagaalyahannada qabaa’ilka ay ku biireen dagaalka ka socda Genena, oo ah magaalo ay ku nool yihiin ku dhawaad nus milyan qof oo ku taal meel u dhow xudduudda Chad.
“Weerarradu waxay ka yimaadeen dhinac walba,” ayay tiri Amany, oo deggan Genena oo codsatay in magaceeda qariso ammaankeeda.
Milateriga ayaa inta badan ku baxay xeryahooda, iyagoo ka fogaaday isku dhacyada, dadka deegaankana waxay qaadanayeen hub si ay isu difaacaan, ayuu yiri Dr. Saalax Tour, oo xubin ka ah guddiga dhaqaatiirta gobolka Galbeedka Darfur, oo ay Genena ka tirsan tahay. caasimadda.
Ururku wuxuu qiyaasay in tobanaan qof lagu dilay boqolaalna lagu dhaawacay. Ku dhawaad dhammaan xarumaha caafimaadka ee Genena, oo uu ku jiro isbitaalkeeda ugu weyn, ayaa shaqo la’aan ahaa maalmo, isbitaalka kaliya ee shaqeeyana waa mid aan la geli karin dagaalka awgeed.