Home Wararka Maanta Haweeney marar kala duwan dishay 12 kamid ah saaxiibbadeed oo gacanta lagusoo...

Haweeney marar kala duwan dishay 12 kamid ah saaxiibbadeed oo gacanta lagusoo dhigay

0

Booliska Thailand ayaa sheegay in ay xireen haweeney looga shakisan yahay in ay dishay 12 ka mid ah asxaabteeda , kadib markii ay sumeysay.

Sararat Rangsiwuthaporn ayaa lagu xiray Bangkok Talaadadii.

Qoyska qofkii ugu dambeeyay ee ay dishay ayaa shaki geliyay kadib markii ay ku geeriyootay safar ay la gashay Sararat horaantii bishan.

Baaritaano la sameeyay kadib, booliisku waxay toddobaadkan sheegeen inay rumeysan yihiin in Sararat ay dishay 11 kale, oo uu ku jiro nin ay xiriir wadaag ahaayeen.

Booliisku waxay ku eedeeyeen inay u dishay arrimo dhaqaale, balse Sararat waa ay diiday dhammaan eedeymaha.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dhibanayaasha kale ee la sheegay inay si la mid ah u dhinteen, balse ma aysan shaacinin xog dheeri ah. Dilalka lagu eedeeyay haweeneydan ayaa bilaabmay 2020-kii, ayay yiraahdeen.

Qofka afar iyo tobanaad oo ay dooneysay in disho ayaa la sheegay in ka bad baadday iyadoo la rumeysanyahay in ka rabtay lacag amah ah, booliska ayaa yiri, Haweeneyda ayaa matagtay oo miyir doorsoontay ka dib markii ay la qadeysay Sararat balse way ka badbaaday.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous article𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Ciidamada Soomaaliland oo Madaafiic Ku Garaacay Magaalada Laasacaanood(Sawiro)