Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dagaal ku dhex marey gobolka Hiiraan dagaal yahanada Macawiisleey iyo Alshabaab

Dagaal ku dhex marey gobolka Hiiraan dagaal yahanada Macawiisleey iyo Alshabaab

0

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya, ayaa sheegaya in dagaal culus uu ku dhaxmaray duleedka magaalada Beledweyne maleeshiyooyinka qabaa’ilka ee loo yaqaano Macawisley, iyo dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa xooggiisu waxa uu ka dhacayay dhulka buuraleyda ah ee Koonfur ka xiga magaalada Beledweyne, gaar ahaan deegaanno u dhaxeeya Nuur Fanax iyo Ceel-lahelay.

Dagaalkaan Culus lama Oga Khasaaraha Rasmiga ah ee Ka dhashay .

Faarax Maxamed Cusmaan oo loo yaqaano Faarax Cagaweyne oo kamid ah saraakiisha miliishiyooyinka deegaanka, ayaa sheegay inay iska caabiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, ee saaka soo weerarray fariisimadooda duleedka Beledweyne.

Ad
Previous articleXabad Joojin Si Rasmi ah uga Dhaqan Gashay Dagaalkii Maagalada Khartuum
Next articleOdayaasha dhex dhexaadinayey dagaalka Laascaanood oo gaaray Hargeysa