Home Wararka Maanta Faahfaahin Nabadoonadii ugu Caansanaa Magaalada Masagawaay oo Ku geeriyooday Dagaalka Qaraar...

Faahfaahin Nabadoonadii ugu Caansanaa Magaalada Masagawaay oo Ku geeriyooday Dagaalka Qaraar Alshabaab Halkaas ku qaadeen

0

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo kooxda Shabaab saaka ay ku qaaday Degmada Masagaway ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in weerar ku bilowday qaraxyo oo uu xigay dagaal toos ah ay koxoda ku qaaday deegaanka oo fariisimo ay ku lahaayeen ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ah, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal faraha looga gubtay.

Wararka waxa ay tilmaamayaan in weerarkan ay koxoda Shabaab ku dishay dad gaaraya 10 ruux oo isugu jira askar iyo nabadoono, waxaana jira dhaawcayo kale oo dagaalka uu dhaliyay.

Nabadoonada kooxdan ay ku dishay weerarka waxaa kamid ah Nabddoon Cismaan Macalin, Nabaddoon Ibraahim Maxamed iyo Nabddoon Cabdulle Geeljir, Nabadoonadan ayaa ahaa kuwa ugu tunka weyn ee beesha dagta Masagawaay.

Nabadoonada waxaa la sheegay iney ku geeriyoodeen qarax ay fulisay kooxda, iyagoo ku sugnaa guriga ay ka daganaayeen magaalada.

Ciidan uu wato Khaliif Cumar Macalin Nuur ayaa gurmad ahaan u gaaray goobta xili ay koxoda isaga baxday, waxeyna haatan wadaan uruurinta meydadka dadka weerarkan ku geeriyooday iyo baadi goobka dad kale oo nolol iyo geeri lagu weysan yahay.

Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay waxay kordhisay beegsiga gaadmada ah ee ay ku ekeyneyso fariisimaha iyo saldhigyada ciidamadda dowladda halkaasoo khasaaro culus uu ka dhasho.

Bishan April 16-keeda, dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa weerar toos ah iyo qarax gaari ku weeraray saldhiga ciidamadda huwanta ah ee degaanka Budbud wallow saraakiil xuseen in ay iska-caabiyeen.

Bishii hore Maarso 23-keeda, Al-Shabaab ayaa weerartay saldhiga ciidamadda kumaandooska Gorgor iyo dadka degaanka ee degmada Ruun-nirgood. Kooxda hubeysay waxay shaacisay in ay laysay tobanaan askar ah.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Al-Shabaab oo weerar ku billowday qaraxyo ku qaaday Degaan ka tirsan Galmudug
Next article150 Maxbuus oo Maanta laga sii Daayay Xabsi ku Yaala Xamar(Sawiro)