Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qeybgalaya shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo goordhaw ka furmay Magaalada Muqdisho.
Shirkan oo uu shirguddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ah mid horudhac ah waxaana qeybgalaya Madaxweyneyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fadaraal ee Punland Saciid Cabdulahi Deni, Jublanad Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Lafta Gareen, Hirshabeelle Cali Xuseen Guudlaawe, iyo gudoomiyeha Gobalaka Banaadir Cumar Maxamuud Filish.
Shirkaan ayaa laga sugayaa inuu Jaheeyo Doorashada dalka waxaana Laga sugayaa Natiijada shirka ka soobixi doonta
Ad