Booliiska dalka Mareykanka ayaa dacwad kusoo oogay oday 84 sanno jir ah oo madaxa iyo gacanta ka toogtay wiil yar oo madow ah oo la sheegay in uu ku qaldamay guriga uu odayga ka deganaa gobolka Missouri ee dalka Maraykanka.
Andrew Lester ayaa lagu soo oogay labo dacwadood ah in uu toogtay wiil yar oon dambi gelin iyo in uu sidoo kale in uu adeegsaday hub, waxaana odaygan haddii lagu helo dambiyadaasi la filayaa in xabsi dheer lagu xukumo.
Dacwad oogaha kiiska toogashada gacanta ku haya ayaa sheegtay in toogashada ay muujinayso “nooc cunsurinimo ah” inkastoo aan odayga caddaanka ah lagu soo oogin dembi noocaas ah.
Booliiska Mareykanka war kasoo baxay ayaa lagu sheegay Ralph Yar loo 16 jir madow ah uu ku qaldamay guriga odayga uuna garaacay gambaleelka, waxaana markaas kaddib odayga oon waxba hubsan wiilka labo xabbad uga dhuftay madaxa iyo gacanta.
Wiilka madowga ah ayaana la sheegay in hadda xaaladiisa ay soo wanaagsanaaneyso lagana soo saaray isbitaalka, waxa ayna qoyskiisa sheegeen in hadalka dhibayo wiilka ayna muddo qaadaneyso in uu soo bogsado.
Dad u badan madow ayaa dhigay dibad bax kana carrooday toogashada odayga u geestay wiilka yar, waxa ay sidoo kale dadkan ka carroodeen in booliiska markii hore aysan dacwad kusoo oogin odayga dilka bareerka ah u geestay wiilka yar aan hubeesneen.
Dibad baxayaasha ayaa codsaday in Odayga dilka geestay oo hadda damaanad bannaanka ku jooga la horgeeyo caddaalada lagu rido xukun, waxa ayna dadkan togashada ku tilmaameen mid cunsuriyad keentay.