Home Wararka Maanta Wararkii Ugu danbeeyey Dagaal culus oo dib uga qarxay Khartuum iyo Xabbad...

Wararkii Ugu danbeeyey Dagaal culus oo dib uga qarxay Khartuum iyo Xabbad joojintii oo bur burtay

0

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga Sudan iyo ciidamada gurmadka degdega ee RSF ayaa dib uga qarxay magaalada Khartuum, saacado kaddib markii lagu dhawaaqay heshiis xabbad joojin waqti kooban ah.

Labada ciidan ee iska soo horjeeda ayaa isku adeegsanaya hubka culus iyo kan fudud, waxaana magaalada qeybo kamid ah laga maqlayaa qaraxyo xooggan iyo hugunka hubka ay is dhaafsanayaan labada dhinac.

Hoggaamiyaasha ciidamada dagaalamaya ayaa shalay aqbalay heshiis xabbad joojin muddo 24-saac ah, hasa ahaatee dagaalka ayaa dib u qarxay, waxa ayna labada dhinac midbo kan kale ku eedeenayaan bur burka ku yimid xabbad joojinta.

Dowladda Mareykanka iyo dowlado kale ayaa ugu baaqay hoggaamiyaasha ciidamada dagaalamaya in xabbad joojin gaaraan , waxa ay sidoo kale ugu baaqeen in dagaalka la joojiyo dibna loogu laabto miiska wadahadalka.

Dagaalka ka socda magaalada Khartuum ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 100-qof, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac kasii bataan inta hadda la ogyahay.

Ad
Previous articleCiidamadda Gorgor Oo Shabaab Kala Wareegay Deegaano Dhowr Ah Oo Ka Tirsan Gobalka Sh.Hoose
Next articleOday Toogtay Wiil yar oo kusoo qaldamay Gurigiisa iyo Booliska oo Soo Qabtay Dilaaga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here