Ciidamada xoogga dalka ee qeybta 27-aad, Danab iyo Gor Gor oo garab ka helaya ciidanka is abaabulay ee dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo culus oo kooxda Alshabaab ay ku baacsanayaan ka wada deegaano badan oo dhaca koonfurta gobolka Hiiraan, waxayna hadda kaabiga ku hayaan deegaanka Booco oo qiyaastii 50 KM koonfur ka xiga magaalada Beledweyne.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka mid ah masuuliyiinta hoggamineysa howlgalkaas. Ciidamadaan iskaashanaya ayaa horay Alshabaab uga xoreeyey deegaanno badan oo ay ka mid yihiin Beerxaanno, Tareedishe, Nuur-fanax, Ceela-hele Burdaar iyo deegaano kale oo muhiim ah.
Howlgallada ay ciidanku ka wadaan gobolka Hiiraan ayaa ku socda saf-balaaran, waxayna ciidamadu ka soo kala baxeen magaalooyinka ugu waaweyn gobolkaas, sida Beledweyne, Buuloburde, Halgan iyo fariisimo kale oo istaraatiiji ah.