Home Wararka Somaliya Somaliland Wararkii ugu Danbeeyey Ganacsade Jaama Qaxooti oo lagu Dilay Laasacaanood

Wararkii ugu Danbeeyey Ganacsade Jaama Qaxooti oo lagu Dilay Laasacaanood

0

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeesan oon wali heebtooda la aqoonsan magaaladaasi ku dileen nin ganacsade oo caan ka ahaa magaalada.

Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan ayaa toogasho ku dilay ganacsade Jaamac Cilmi Kadiye oo loo yaqaano (Jaamac Qaxooti) oo kamid ahaa ganacsatada waa weyn ee magaalada Laascaanood .

Wali lama oga cidda ka dambeysay iyo sababta loo dilka xalay ganacsade Jaamac Qaxooti, dilkan ayaana noqonaya kii saddexaad oo maalmo gudahood ka dhaca magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dilalkan ayaa imaanaya xilli amni darada Laascaanood ka jirtay ay sababtay in dagaal ka dhax qarxo dadka deegaanka oo ka carrooday dilalka qorsheesan iyo maamulka Somaliland, lamana oga ilaa hadda cidda dilalka geesaneysa xilli magaalada dagaal ka socdo.

Ad
Previous articleGalmudug oo war kasoo saartay Deegnaada Laga Saaray Alshabaab Hablayana U dirtay Ciidanka Xooga Dalka
Next articleDad gaajo ugu dhintay Kenya kaddib markii baadari kaniisadeed uu ku wargeliyay inay deg deg u dhintaan si ay janada ugalaan.