Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug oo war kasoo saartay Deegnaada Laga Saaray Alshabaab Hablayana U dirtay...

Galmudug oo war kasoo saartay Deegnaada Laga Saaray Alshabaab Hablayana U dirtay Ciidanka Xooga Dalka

0

Maamulka Galmudug ayaa war ka soo saaray duulaanka ay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaan ay ku wiiqayaan awoodii kooxda Al-Shabaab ee gobollada dhexe, waxaana warkaan lagu cadeeyey in ciidanku ay kooxda ka xoreeyeen deegaano badan.

“Waxaa u mahadcelinayaa ciidamada xoogga iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka oo kooxda khawaarijta ah ka xoreeyay dhul ballaaran oo ka tirsan gobolka Galguduud, sida degmada Galcad, magaalo dalxiiseedka Budbud, magaalada Ceelyabaal iyo ku dhawaan 20 tuulo, kuwaas oo ku jiray gacanta Khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda amniga Galmudug.

Qoraalka Galmudug ayaa intaas ku sii daray, “Wajiga labaad ee howlgallada ayaa si xowli ah uga socdo Galmudug, waxayna ciidamadu kusii siqayaan degmada facaweyn ee Ceelbuur iyo deegaannada ku hareereysan, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan firxadka Khawaarijta.”

Ciidamada xoogga dalka iyo xooggaga deegaanka ayaa galabta kooxda Al-Shabaab kala wareegay tuulada Ceel-Cali Xasan oo hoos tagta magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaasha guutooyinka 3-aad iyo 4-aad, qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Saney Cabdulle iyo Ibraahim Yuusuf ayaa hoggaaminaya howlgalka galabta lagu xoreeyey deegaankaas cusub.

Saraakiisha ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada ay miinooyin badan ka bixiyeen jidka xariiriya tuulada ay qabteen ee Ceel-Cali Xasan iyo deegaanadii ay horay uga xoreeyeen kooxda oo maanta ay ka ruuqaan-sadeen.

Sida ay saraakiil ka tirsan Gor Gor u xaqiijiyeen Caasimada Online ciidanka ayaa maanta gudaha u galay degaanka Budbud oo ah deegaan istaraatiiji ah, isla markaana hoos taga degmada Ceeldheer.

Balse ciidanka ayaa isla maanta ka soo laabtay deegaankaas, wax iska caabin ah ciidanku kalama kulmin Shabaab-kii ka cararay Budbud, balse waxay saraakiishu noo sheegeen in xeelad ciidan ay markii dambe uga soo baxeen deegaankaas.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay Ra’isul Wasaaraha Talyaaniga Maxay Kawada Hadleen? (Sawirro)
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Ganacsade Jaama Qaxooti oo lagu Dilay Laasacaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here