Wasiirka gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa shaaca ka qaaday in Jeneral Maxamed Saciid Xirsi oo caan ku ah (Morgan) uu ka dagaalamayo gudaha magaalada Laascaanood, halkaas oo ay isku hayaan Somaliland iyo dadka deegaanka.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ninkan oo xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya uu horay dambiyo dagaal uga gaystay magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda, gaar ahaan intii uu socday dagaalkii dowladdii kacaanka iyo ururkii SNM.
Caateeye ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Moorgan uu horkacayo ciidamo ka tirsan kuwa maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay in ay qayb ka yihiin dagaalkaasi.
“Jeneral Morgan oo sidoo kale loo yaqaan ‘Hiliblihii Hargaysa’, wuxuu ahaa la taliyihii madaxweyne Farmaajo, iyo madaxweynaha Puntland, waa nin in ka badan 50,000 oo shacab ah Somaliland ku dilay, hadana wuxuu ka barbar dagaalamaya maleeshiyada Laascaanood iyo ciidanka Puntland” ayuu yiri wasiir Cabdiqani Maxamuud Caateeye.
Marka laga tago arrinta Moorgan waxaa Laascaanood horay u tegay taliyeyaashii hore ee bada iyo booliiska ee Soomaaliya iyo taliyihii hore ee guutada afaraad ee ciidamada Danab ee Soomaaliya oo isna uu dagaalka ku dhintay, walow Danab ay iska fogeysay sarkaalkaas.