Home Wararka Somaliya Somaliland Soomaaliland oo eedayn Culus u jeedisay Gerenal Morgan

Soomaaliland oo eedayn Culus u jeedisay Gerenal Morgan

0

Wasiirka gaashaandhigga Somaliland, Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa shaaca ka qaaday in Jeneral Maxamed Saciid Xirsi oo caan ku ah (Morgan) uu ka dagaalamayo gudaha magaalada Laascaanood, halkaas oo ay isku hayaan Somaliland iyo dadka deegaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in Jeneral Morgan uu ka barbar dagaalamayo ciidamada SSC ee haatan milatariga Somaliland kula dagaalamaya duleedka magaalada Laascaanood.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ninkan oo xilal kala duwan kasoo qabtay Soomaaliya uu horay dambiyo dagaal uga gaystay magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda, gaar ahaan  intii uu socday dagaalkii dowladdii kacaanka iyo ururkii SNM.

Caateeye ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Moorgan uu horkacayo ciidamo ka tirsan kuwa maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay in ay qayb ka yihiin dagaalkaasi.

“Jeneral Morgan oo sidoo kale loo yaqaan ‘Hiliblihii Hargaysa’, wuxuu ahaa la taliyihii madaxweyne Farmaajo, iyo madaxweynaha Puntland, waa nin in ka badan 50,000 oo shacab ah Somaliland ku dilay, hadana wuxuu ka barbar dagaalamaya maleeshiyada Laascaanood iyo ciidanka Puntland” ayuu yiri wasiir Cabdiqani Maxamuud Caateeye.

Maalmihii u dambeeyay ayaa aad loo hadal hayay wararka ku saabsan Jeneralkan oo lagu arkay bartamaha magaalada Laascaanood, taas oo dhalisay hadal heyn xoogan, maadaama gudaha magaaladaas bishii 3-aad ay ku dagaalamayaan Somaliland iyo dadka deegaanka.

Marka laga tago arrinta Moorgan waxaa Laascaanood horay u tegay taliyeyaashii hore ee bada iyo booliiska ee Soomaaliya iyo taliyihii hore ee guutada afaraad ee ciidamada Danab ee Soomaaliya oo isna uu dagaalka ku dhintay, walow Danab ay iska fogeysay sarkaalkaas.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo arrimo ka dhan ah kooxda Al Shabaab kala hadlay Tim Trenkle (Sawirro)
Next articleFaahfaahin Dheere ah oo Kaso Baxaysa Dilka Loo Gaystay Cabdiraxmaan Cali oo Muqdisho lagu Dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here