Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed ayaa war ka soo saaray mowqifkiisa ku aadan khilaafka dhinaca canshuuraha ee soo kala dhex galay maamulka gobolka Hiiraan iyo kan Hirshabelle.
Khilaafka ayaa bilowday ka dib markii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ka hor yimid qorshe uu watay Maamulka Hirshabeelle oo lagu doonayey in lagu mideeyo canshuurta labada Gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Cali Jeyte ayaa la wareegay canshuurtii maalinlaha loo aruuriyay ee magaalada Beledweyne, xilli Maamulka Hirshabeelle uu qorsheynayay in lagu shubo qasnadda Wasaaradda Maaliyadda ee Magaalada Jowhar.
Cali Jeyte ayaa ku amray xubno ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle inay isaga ka amar qaataan.
Guddoomiye Cali Jeyte oo markii dambe soo saaray qoraal dheer oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee ka jirta Gobolka Hiiraan, kuna saabsan arrinta canshuurta ayaa sheegay in shacabka Gobolka Hiiraan ay ku jiraan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, loona baahan yahay in laga taageero, taas bedelkeedana aan lagu sameyn hagardaamo iyo dhabar wareen, lagu wiiqayo guulahii la gaaray.
Cali Jeyte ayaa ku baaqay in la keeno hannaan Maaliyadeed oo daahfuran, oo la isla ogolyahay, sidoo kalana la helo xasilooni siyaasadeed oo lagu wada shaqeyn karo, lana ixtiraamo sarreynta sharciga ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Qoraal caawa ka soo baxay Yuusuf Dabageed ayuu ku sheegay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara inuu khalkhal ku yimaado dagaalka lagula jiro Al-shabaab, wuxuuna ku baaqay in lagu socdo hanaankii hore ee canshuuraha inta laga xalinayo khilaafka taagan, isagoo u muuqday inuu taageeray mowqifka Cali Jeyte
HOOS KA AKHRISO QORAALKA DABAGEED. Â