laga helayo gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in degmada Ceeldheer uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.
Dagaalkan ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sida ay baahisay warbaahinta dowladda dagaalka ayaa yimid kadib markii horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa isku fahmi waaywen in la dhameystiro oo la dilo maleeshiyaad kusoo dhaawacmay dagaal ka dhacay deegaano hoostago magaalada Galcad ee gobolkaas.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in kooxda ay deegaanka Cowswayne ee degmada Ceeldheer ku xir-xirtay inta badan odayaashii la shaqeyn jiray ee qeybta ka ahaa howlaha degmada Ceeldheer iyo deegaanada hoostago.
Maalmo ka hor unbay aheyd markii uu degmada Jilib uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.
Kadib weerarka waxaa halkaasi uu dagaal toos ah ku dhexmaray maleeshiyaadkii weerarka qaaday iyo kuwa ku sugna guriga horjoogaha Kenyanka ah, kaasi oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen shan xubnood, halka ay ku dhaawacmeen siddeed kale oo uu ku jiro horjoogaha ajnabiga ah ee gurigiisa la weeraray.