Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay ee wejigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab...

Wararkii ugu dambeeyay ee wejigii labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo si Rasmi ah Ubilowday

0

Wajigii labaad ee howlgllada ka dhanka ah Al-shabaab ayaa si rasmi ah uga biloowday deegaano ka tirsan Soomaliya.

Howlgallada qaar oo ka billowday Koonfurta Baledweyne waxaa iska kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda, waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in marka ay soo afjaraan howlgalada haatan ay ka bilaabeen deegaanada dhaca Koonfurta Baledweyne ee ku yaala hareeraha wabiga Shabeelle, inuu xigi doono howlgalka deegaanada ku yaala Galbeedka Hiiraan.

Dhanka kale warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka xoogga dalka ayaa saaka al-shabaab kala wareegeen Magaalada Galcad eegobalka Galgaduud.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Galcad si buuxda ciidanku ula wareegay wixii markaan ka dambeeyana loo gudbi doono deegaanada kale ee ay ku suganyihiin Al-shabaab.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Dagaal Culus ku Dhexmaray Degmo ka Tirsan Galmudug Xili Ciidamada Dowladu Kaabiga Ku hayaan
Next articleIsraa’iil oo duqeymo gantaallo aargoosi ah ku garaacday Lubnaan iyo Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here