Home Wararka Maanta Dhakhaatiir kufsi iyo dil u geystay bukaan oo xukun lagu riday

Dhakhaatiir kufsi iyo dil u geystay bukaan oo xukun lagu riday

0

Maxkamad ku taalla dalka Guinea ayaa saddex dhakhaatiir ah ku heshay dambi ah in ay ku lug lahaayeen dilka haweeney dhallinyaro ah oo isbitaalka lagu kufsaday.

Dawladdu waxay sheegtay in sanadkii 2021-kii M’Mah Sylla, ay ku dhimatay Tunisia halkaas oo loo qaaday si loogu daweeyo ka dib markii la kufsaday.

Arrintan ayaa caro weyn ka dhalisay dalka Guinea.

Maxkamad ku taal magaalada caasimadda ah ee Conakry ayaa hadda ku xukuntay Daniel iyo Patrice Lamah 15 sano oo xarig ah halka dhakhtarkii saddexaad ee lagu magacaabayay Celestin Millimouna oo baxsad ku jira isna lagu xukumay 20 sano oo xarig ah.

Dhammaantood waxaa lagu helay dambi ah in ay geysteen weerar iyo in ay ilmo iska soo rideen gabadha.

Patrice Lamah iyo Millimouna ayaa sidoo kale lagu helay dambiyo kale oo kufsi ah.

Ad
Previous articleDuuliye lugihiisa uu taabtay maska Kobraha xilli uu ku guda jiray duulimaad Muxuu Sameeyey ?
Next articleQaraxyo caawa ka Dhacay Muqdisho iyo Booliska oo Warka soo saaray