Home Wararka Maanta Duuliye lugihiisa uu taabtay maska Kobraha xilli uu ku guda jiray duulimaad...

Duuliye lugihiisa uu taabtay maska Kobraha xilli uu ku guda jiray duulimaad Muxuu Sameeyey ?

0

Duuliye u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa lagu amaanay inuu ku guuleystay inuu si deg deg ah u soo dajiyo diyaarad, ka dib markii uu arkay maska loo yaqaano kobraha oo ku hoos jira kursigiisa , sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Rudolph Erasmus ayaa waday rakaab ka duulay magaalada Cape Town subaxnimadii isniinta, isagoo ku sii jeeday magaalada Nelspruit ee woqooyiga dalkaasi, hase yeeshee waxa uu ku qasbanaaday inuu soo gaabiyo safarka ka dib markii uu dareemay wax qabow oo jirkiisa taabtay, sida uu u sheegay shabakada wararka ee Times Live.

“Markii aan bidixdayda u soo jeestay oo aan hoos eegay, waxaan arkay maska Kobraha oo madaxa dib ugu celinaya kursigayga hoostiisa,” ayaa yiri.

Qaniinyada kobraha waxay ninka ku dili kartaa 30 daqiiqo gudahood.

Guddoomiyaha duulista rayidka ee Koonfur Afrika ayaa Mr Erasmus ku tilmaamay geesi, sida ay ku warrantay shabakadda news24.

Duuliyaha ayaa sheegay in uu ku shakiyay inuu u sheego rakaabkiisa iyo inkale ka dib marka uu arkay maskii inta lagu guda jiro duulimaadka.

Waxa uu sheegay in aanu doonayn in uu rakaabka argagax ku beero.

Waxa uu ku guulaystay in uu si degdeg ah ugu soo deggo Welkom.

Arbacadan ayuu rajaynaya inuu mar kale diyaaradda duuliyo.

Ad
Previous articleCiidamada ATMIS oo war cusub kasoo saartay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya
Next articleDhakhaatiir kufsi iyo dil u geystay bukaan oo xukun lagu riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here