Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay wiil dhalinyaro ahaa loogu geystay Xaafada Kooshin gaar ahaan laanta Kutiimbo ee magaalada Baledweyne.
Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Usaama waxaa dilkiisa geystay laba nin oo ku hubeysnaa qori, kuwaasoo doonayay iney ka dhacaan Mobile uu ku daawanayay albaabka gurigooda.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in wiilka dhalinyarada ah marka ay burcada u tageen oo ay dheheen “keen mobile-ka” ayuu tilifoonkii ku tuuray gurigooda oo uu horfadhiyay, taasoo keentay in burcada ay rasaas la dhacaan oo uu goobta ku geeriyoodo.
Laamaha amaanka ayaa daqiiqado kadib gaaray goobta dilka uu ka dhacay, iyagoo sameeyay howlgal aan wax natiija ah ka dhalan, iyadoo gacan ku dhiiglayaasha ay xili hore goobta isaga baxsadeen.
Si kastaba, magaalada Beledweyn mudooyinkan waxaa kusoo batayay dhaca loo geysanayo dhalinyarada wadata tilifoonada iyo agabka kale ee gacanta lagu qaato, iyadoo hay’adaha amniga ay ku fashilmeen ciribtirka arrintaas.
Ad