Norway ayaa shaacisay in la xiray labo gabdhood oo walaalo ah Soomaali ah, kuwaasoo ka soo laabtay dalka Siiriya, iyaga iyo carruurtooda.
Gabdhaha walaalaha ah ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay ka tirsan yihiin gacana siinayeen ururka Daacish, iyagoo ku lug lahaa Askareynta carruurta ee kooxdaas.
Norway waxay sheegtay inay dib u celisay labada gabdhood ee walaalaha ah oo lagu kala magacaabo Ayan iyo Leila Juma, iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen kuwaasoo laga keenay xero qaxooti oo ku taalla Siiriya, iyadoo sabab uga dhigtay xaaladda xarunta oo aad u xun.
Gabdhaha walaalaha ah ee Soomaalida Norway ayaa sanadkii 2013-kii ka tagay dalka Norway iyagoo dhalinyaro ah, si ay ugu biiraan kacdoonka looga soo horjeedo Madaxweyne Bishar Al-Asad. Haatan da’ahaan waa 29 iyo 25 jir.
Dumarkan waxaa u jooga saddex gabdhood, oo ay aabbeyaal u yihiin dagaalyahannada dawladda Islaamiga ah, sida uu qoray wargeyska Verdens Gang ee Norway ka soo baxa.
Carruurta ayaa lagu soo waramayaa inay da’doodu kala tahay lix, toddobo, iyo siddeed jir.
Wasiirka arrimaha dibadda Norway Anniken Huitfeldt ayaa sheegtay in gabdhaha walaalaha ah ay dalbadeen in laga caawiyo sidii ay Norway ugu soo laaban lahaayeen iyaga iyo caruurtooda, iyagoo og inay wajihi doonaan xarig marka ay yimaadaan.