Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay degmo Dhawaan laga saaray Alshabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay degmo Dhawaan laga saaray Alshabaab

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar aan horay loo sii shaacin ugu ambabaxay degmada Aadan Yabaal oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sida ay ogaatay Mudug24, waxaa madaxweynaha booqashadaan ku wehlinaya wasiirka gaashaandhigga, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage iyo mas’uuliyiin kale.

Warararka ayaa sheegaya in qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta madaxweynaha laga dareemayo degmada Aadan Yabaal oo kamid ah meelihii ugu dambeeyay ee laga saaray xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in aad loo adkeeyay ammaanka degmadaasi, si loo xaqiijiyo amniga madaxweynaha waxaana ciidamo dheeraad ah la geeyay halkaasiu.

Ujeedka madaxweynaha ayaa la xiriira mid uu ugu guur-galayo xaaladda degmadaas oo in ka badan 15 sano saldhig weyn u aheyd kooxda Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la kulmi doono waxgaradka deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, si uu uga dhageysto talooyinka ay qabaan.

Aadan Yabaal ayaa waxaa markii la xoreeyay horay ka booqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe.

Waa markiisii koowaad ee uu madaxweyne Xasan tagayo Aadan Yabaal kadib markii dagaal looga qabsaday kooxda Al-Shabaab oo lagu jabiyay howlgallada ka socda HirShabelle.

Si kastaba, madaxweynaha ayaa horay u booqday deegaano ku yaalla Shabeelaha Dhexe, sida Nuur Dugle, Masaajid Cali Guduud iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug.

Dowladda Uganda oo ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka

Dowladda Uganda ayaa ku baaqday in dib u heshiisiin loo sameeyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada dalka, si loo soo afjari xiisad siyaasadeed ee ka dhexeysa Dowladda

Doonyo Hub u Siday Shabaab oo lagu Duqeeyay Biyaha Somaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay duqeymo dhanka cirka biyaha dalka Soomaaliya taariikhdu markay ahayd Abriil 16, 2025 iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Duqeymahan ayaa

Madaxweynaha Mareykanka oo Kulan la yeeshay Raisal Wasaaraha Israel

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Talaadadan sheegay in wada hadal wax ku ool ah uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu. Madaxweynaha Mareykanka ayaa khadka teleefanka kula hadlay Raysal

Dowlada Israel oo Qiratay Dilka Samafalayaal lagu dilay GAZA

Milatariga Israel ayaa sheegay in “fashil xagga xirfadda ah” uu horseeday dilka 15 ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdegga ah ee Qasa bishii hore. Baaritaan lagu sameeyay dhacdadan oo ay

Galgaduud oo lagu dilay Taliyihii Hore ee Ilaalada Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa xaqiijinaya in xalay lagu dilay Alle ha u naxariistee Sade Daahir Caanood Gulaafe, taliyihii hore ee ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.
Ad
Previous articleMadaxweyne Putin “Waxaan madaxyada nuclear-ka gaynaynaa dalka Belarus”
Next articleHoobiyayaal Saakay Lagu Garaacay Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo Xafadu uu ku Habsaday