Home Wararka Maanta Madaxweyne Putin “Waxaan madaxyada nuclear-ka gaynaynaa dalka Belarus”

Madaxweyne Putin “Waxaan madaxyada nuclear-ka gaynaynaa dalka Belarus”

0

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa xalay ku dhawaaqay in gantaalada hubka wax gumaada ee nuclear-ka ay gayn doonaan dalka ay deriska yihiin ee Belarus.

Madaxweynaha Ruushka oo ka soo muuqday Telefishinka Qaranka ee dalkaasi ayaa sheegay in Moscow ay heshiis la gashay Belarus, si dalkaasi ugu yeelato saldhig hubka nuclear-ka ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaanu heshiiskan jabin doonin heshiisyada caalamiga ee lagu xakameynayo in nuclear-ku aanu ku faafin dunida.

“Heshiiskan lala galay Belarus ma jabin doono heshiisyada ka hortagga nuclear-ka. Mareykanka ayaa tobanaan sano ka hor sidaan oo kale sameeyay, isagoo nuclear-kiisa geeyay dhulka xulafadiisa Yurub.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan ku heshiinay inaan sidaas oo kale samayn doono, annagoo aan ku xadgudbin waajibaadkeena caalamiga ah ee lagu xakameynayo nuclear-ka.”

Madaxweyne Putin ayaa sheegay in Madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko uu horey ugu soo hadalqaaday in hubka Nuclear-ka la dhigo dalkiisa, oo xad la leh dalka Poland oo xubin ka ah Gaashaanbuurta NATO.

“Ruushku wuxuu dhameystiri doonnaa dhismaha xarunta nuclear-ka ee Belarus, 1-da bisha July.” Ayuu yiri Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka.

Madaxweynaha ayaa ku hanjabay in dagaalka Ukraine uu weji kale yeelan doono, haddii Kyiv ay Reer Galbeedka ka hesho gantaalada lidka taangiyada, waana xilli uu Ingiriisku sheegay in gantaaladaasi uu siin doono Ukraine.

“Dabcan, waxaa jira wax u baahan in Ruushku uu ka jawaabo, iyadoo aan la buunbuunin, waxaan haysanaa boqolaal kun oo madaafiic ah, welina ma aynaan isticmaalin.” Ayuu yiri Putin.

Tani ayaa imaanaysa, xilli ay sii kordheyso xiisadda Moscow kala dhaxeyso Reer Galbeedka ee ku aaddan dagaalka Ukraine iyo suurtagalnimada in Ruushku uu adeegsan karo hub nuclear ah.

Xubno ka Tirsan Kooxda Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta Jubaland ay iska kaashadeen howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab. Howlgalkaan ayaa ka

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,
Ad
Previous articleKu dhowaad 30 qof oo ku dhimatay musiibo ku dhufatay Mississippi (Sawirro)
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay degmo Dhawaan laga saaray Alshabaab