Ninkan oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in muddo sannado ah katirsanaa kooxdaasi kana mid ahaa kooxda jabhadaha, waxa uuna Dhurre Yuusuf sheegay in si iskiis ah u go’aansaday in uu kasoo tago Al Shabaab iskuna dhiibo ciidanka dowladda.
Waxa uu sheegey ninkan kasoo goostay Al Shabaab in sababta ku kaliftey in kooxdaasi isaga soo baxo ay tahay dhibaatada dhexdooda ka jirta iyo ay ka been sheegeen Diinta Islaamka.
Dhure Yuusuf ayaa ugu baaqay dhallinyarada kale ee katirsan kooxda Al Shabaab in ay isaga soo baxaan kooxdaasi iskuna soo dhiibaan ciidanka dowladda, waxa uuna xusay in Al Shabaab dhankeeda aysan oolin iyo wax loo dagaalamo.
Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan soo bandhigtay dagaalyahano kasoo goostay kooxda Al Shabaab, kuwaa oo loo gudbiyay xarumaha dowladda ugu tala gashay in lagu dhaqan celiyo xubnaha kasoo laabta fikirka Al Shabaab.
Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta Jubaland ay iska kaashadeen howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab. Howlgalkaan ayaa ka
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo