Imaamyada Somaliland ayaa hadda kadib ID card u soo qaadan doono si ay masjidka khudbad uga jeediyaan sida uu sheegayo amar ka soo baxay Wasaarada Diinta Iyo Owqaafta ee Maamulkaas.
Wasaaradda ayaa sheegtay in lala xisaabtami doono qofkii wacdi ka jeediya Masaajid ama goob fagaare ah ee aan wadan aqoonsiga looga baahan yahay.
“Qofka aysan aqoonsaneyn Wasaarada oo ID card la’aan dadka u wacdiyaa si gaar ah ayaa loola xisaabtami doonaa” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland.
Siddoo kale goobaha ay Hoteladu ku yaalin masaajida ka agdhaw waxay Wasaaradu amar ku siisay iney Tafsiirka Iyo Daruusta Diiniga ee masaajidka ka baxda hoos u dhigaan, Si aysan hurdada uga kicin ama jawiga uusan uga qasmin dadka Hotelada degan.
“Waxaa kale oo mamnuuc ah Masaajidyada cusub in lagu Tukado salaada Jimcaha ilaa Wasaarada Diinta Iyo Owqaafta masjidka ay jimco u ogolaato in lagu tukan karo, Sababtuna waa in jameecada la rabbo inay hal masjid buuxiyaan” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaarada.
Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah weriye iyo samafale ku sugan magaalada Burco ayaa shuruudaha lagu soo rogay Imaamyada ku tilmaamay kuwo baalmarsan shareecada Islaamka
“Shuruudaha lagu xiray khudbad-jeediyayaasha jimcaha ee ay soo saaraty (wasaaradda diinta iyo awqaaftu) waa kuwo loogu talagalay in aan xaqa laga sheegin guryaha Ilaahay. Waxa xiga in khudbadda oo diyaarasan oo ay soo diyaarisay (Wasaaraddu) WahatsApp-yada loogu diro imaamada Masaajidda” ayuu yiri Coldoon.