Home Wararka Maanta Dagaal lagu riiqmay oo ciidanka Ruushka looga Dilay 1100 Askari oo Ka...

Dagaal lagu riiqmay oo ciidanka Ruushka looga Dilay 1100 Askari oo Ka Dhacay Magaalada Bakhmut(Sawiro)

0

Ciidamada Ruushka ayaa la kulmay in ka badan 1,100 oo dhimasho ah in ka yar hal toddobaad dagaallo ka dhacay meel u dhow magaalada Bakhmut ee bariga Ukraine, oo ah halka xudunta u ah dagaalka bariga Ukraine sidaas waxaa sheegay madaxweynaha Volodymyr Zelenskiy.

“In ka yar hal toddobaad, laga bilaabo 6-dii Maarso, waxaan ku guuleysannay inaan dilno in ka badan 1,100 askari oo cadaw ah qaybta Bakhmut oo keliya, Khasaaraha aan gaarsiinay cadowga waa mid aan laga soo kaban karin, ” ayuu yiri Zelenskiy.

Waxa uu sheegay in ciidamada Ruushku ay sidoo kale soo gaareen 1,500 oo askari oo si xun uga dhaawacmay. “Daraasiin ka mid ah qalabka cadowga ayaa la burburiyay iyo in ka badan 10 bakhaar oo rasaasta Ruushka ah” ayuu yiri madaxweynaha Ukraine.

Ukraine iyo Ruushka ayaa Sabtidii sheegay iney boqolaal ka tirsan ciidamadooda iskaga dileen dagaalka Bakhmut, iyadoo Kyiv ay iska difaacday weeraro aan kala joogsi lahayn, webi yar oo kala qaybiya magaalada ayaa hadda calaamad u ah jiidda hore ee cusub.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa iyana sheegtay in ilaa 210 askari oo Yukreeniyaan ah lagu dilay guud ahaan Donetsk qeybta hore ee dagaalka.

Inkastoo Moscow aysan sheegin khasaaraha dagaalka Bakhmut haddana waxay ahayd mid ka mid ah dagaalladii ugu dhiigga badnaa uguna dheeraa dagaalka muddada sanadka ah socda

Labada dhinacba waxay qirteen in ay dhibaato iyo khasaare baaxad leh ka geysteen Bakhmut, iyadoo ay adag tahay in si madax bannaan loo xaqiijiyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Sirdoonka millatariga Britain ayaa Sabtidii sheegay in kooxda calooshood u shaqeystayaasha ee Wagner ee Ruushka ay la wareegeen inta badan bariga Bakhmut.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleSarkaal iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo howlgal qorsheysan lagu dilay
Next articleRag lugeeyay masaafo dheer si ay u helaan gabdho ay guursadaan