Home Wararka Maanta Dowlada oo Ka Hadashay Saraakiil Alshabaab ah oo La Dilay iyo Kuwa...

Dowlada oo Ka Hadashay Saraakiil Alshabaab ah oo La Dilay iyo Kuwa isisoo Dhiibay

0

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka dowladda federaalka ee todobaadkii lasoo dhaafay, ayada oo lagu soo hadal qaaday howlgallad ka socda gobollada waddanka.

Wasaaradda warfaafinta ayaa shaaca ka qaaday in howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay HirShabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland lagu jabiyay Al-Shabaab.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale qoraalkan ku sheegtay in howlgalladaas lagu dilay xubno badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo uu jiro sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Aruuriyow Maxamed Cumar, kaas oo ka tirsanaa horjoogayaasha sar sare ee kooxda.

“Howlgalo ka dhan ah Khawaarijta ayaa toddobaadkan ka dhacay qeybo badan oo dalka ka mid ah. Khawaarijta waxaa hawlgaladaasi looga dilay xubno badan oo ay ku jiraan horjoogeyaal , sida Aruriyow Mohamed Omar iyo kuwo kale,” ayuu yiri bayaanka.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay isku soo dhiibeen xubno ka tirsan Shabaab uu ka mid yahay Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal).

“Waxaa sidoo kale isa soo dhiibay dhowr Khawaarij iyo horjoogeyaashooda oo uu ka mid yahay Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal),” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhinaca kale wasaaradda warfaafinta qoraalkeeda marnaba kuma xusin weerarkii ay shalay Al-Shabaab ku galeen xerada Janaay Cabdalle, kaas oo ku billowday is-miidaamin, isla-markaana uu khasaare xoogleh kasoo gaaray ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, waxaana qayb ka ah dadka deegaanka, kaas oo jab iyo khasaaraba lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo dhul ballaaran laga qabsaday.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidamo wata Gaari Dagaal oo dhac dad badan argagaxeen ka geestay Muqdisho
Next articleSharciga Ladagaalanka Argagixisada oo 10 sano Hooryaalay Baarlamaanka oo Maantay La Ansixiyay