Home Wararka Maanta Ciidamo wata Gaari Dagaal oo dhac dad badan argagaxeen ka geestay Muqdisho

Ciidamo wata Gaari Dagaal oo dhac dad badan argagaxeen ka geestay Muqdisho

0

Ciidamo la sheegay in ay katirsan yihiin milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska Gorgor ayaa xalay dhac saf mar ah ka geestay laamiga dheer ee 30-ka ee kuyaalla magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa noo sheegay in ciidankan oo watay gaari nuuca loo yaqaan beebaha ay dhac ka bilaabeen halka loo yaqaano Daallo ee kutaalla inta u dhaxeysa isgoosyada Black Sea iyo Baar Ubax, waxa ayna dhaca wadeen ilaa laga gaaro isgooska Cali Kamiin.

Ciidankan ayaa la sheegay in dadka ay ka dhacayeen moobeelo, waxa ayna adeegsanayeen ciidankan hubka fudud sida AK-47 halka ciidamada qaarna wateen qorayga loo yaqaan RPG ama sabanka kaas oo dadkii lagu qabtay wadnaha go’ay naxtin darteed.

Dad nala hadlay ayaa sheegay in ciidankan oo xirnaa dareeska  Gorgor cabsi la’aan dadka u dhacayeen, waxa ayna moobeelo kala duwan ka qaateen dad shacab ah oo u badnaa kuwa hoyaad ah iyo kuwa laamiga ku fiidsanayay.

Ciidamada dowladda qaarkood iyo kuwa soo xirta dareeska ciidanka ayaa horey dhac uga geesan jiray magaalada Muqdisho, waxaasa hadda dadka aad ula yaabeen in ciidan wato gaari dagaal gaar ahaan beebe ay ku dhiiradaan in dadka waddooyinka ku baartaan.

Ad
Previous articleGaalkacyo Garowe iyo Boosaaso oo Saakay Lagu Toogtay 13 ka mid ahaa Alshabaab iyo Daacish
Next articleDowlada oo Ka Hadashay Saraakiil Alshabaab ah oo La Dilay iyo Kuwa isisoo Dhiibay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here