Jilaaga caanka ee aflaanta Bollywood ee Amitabh Bachchan, oo Soomaalidu ay u taqaanno Cali Dheere, ayaa waxaa soo gaaray dhaawac xilli uu ku guda jiray duubista filim.
Amitabh ayaa arrintan uga warbixiyey boggiisa internetka “waxaan ka qayb qaadanayay duubista filimka ‘Project K’ , waxa uu dhaawac iga soo gaaray feeraha ayaa dhaawacmay, taasi oo sababtay in la joojiyo duubista filimkan.” Hadda waxaan ku soo laabtay gurigaygii, meesha dhaawaca iga soo gaaray waxaa ku xiran faashad,” ayuu yiri.
“Sidoo kale dawo ayaan qaatay, xanuun ayaa sidoo kale jira, way adag tahay in la dhaqdhaqaaqo iyo neefsashada, waxay qaadan doontaa dhowr toddobaad si aan u soo kabsado, dhaawacan halista ah awgeed,”
Isagoo sii hadlaya ayuu yiri, “Illaa aan ka soo kabsado, shaqadaydu waan joojin doonaa.”
Jilaaga ayaa sheegay in taageerayaashiisa ay bannaanka qasrigiisa kula kulmi doonaan isbuucan .
Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ,ayaa ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ka taageeri doonaan dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan ee argagaxisada ee ka dagaallama qeybo kamid ah dalka Soomaaliya. Lataliyaha
Ciidamada booiiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgalla saldhigga degmada Dayniile , ayaa lagu wareejiyay nin dhallinyaro ah oo shalay afaafka hore ee xarunta degmada Dayniile ku dilay nin kale