Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada Dowladda Galmudug oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda Caafimadka Galmudug.
Shirka waxaa warbixinno la xariira wax-qabadka wasaaradda Caafimadka & Daryeelka Bulshada, waxqabadka iyo guulaha wasaaradda Beeraha & Waraabka Galmudug, shirka dib-u-heshiisinta Balanballe, qorshaha dhammeys tirka maamul daadajinta degmooyinka ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Galmudug iyo howlaha dib u xoreynta deegaannada wali ku jira gacanta argagixisada looga dhageystay wasaaradaha ay quseyso.
Ad