Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa soo jeediyey xeerar cusub oo ka dhan ah dadka magan-galyo doonka ah, kuwaasi oo uu sheegay inay yareyn doonaan dadka imanaya xuduudda koonfureed ee Mareykanka.
Xeerarka cusub ayaa sheegaya in muhaajiriinta imanaya xuduudda ee kadib soo galaya Mareykanka ayaga oo is-dhiibaya aysan xaq u yeelan doonin in magan-galyo la siiyo.
Kumanaan qof, oo ay ku jiraan Soomaali, balse badankood ah dad ka iamanaya dalalka Latin America ayaa marka ay Mareykanka kasoo galaan xuduudda Mexico is-dhiiba ayaga oo magan-galyo dalbanaya.
Hase yeeshee sharciga cusub ayaa dhigaya in qofka kahor inta aanu iman xuduudda uu marka hore codsi kasoo gudbisto app-ka Waaxda Kastamka iyo Ilaalada Xuduudda ee Customs and Border Patrol (CBP), ama uu kasoo codsado mid ka mid ah dalalka ay soo marayaan kahor inta aanay xuduudda iman.
Haddii qofka aanu sidaas soo sameyn, uu iska yimaado xuduudda kadibna dalbado magan-galyo lama siin doono, sida sharciga uu sheegayo.
Toddobaadyadii dhowaa waxaa jiray Soomaali badan oo soo hela Visa-ha Mexico ama dalalka kale ee Latin America, kadibna xuduudda iska soo dhiiba, balse sharcigan wuxuu hadda ku qasbayaa inay marka codsi ka sameeyaan online.
Si kastaba, arrinta dhibka leh ayaa ah in haddii qofki codsi uu sameeyo, uu sugo illaa ballan-looga qabanayo, taasi oo qaadan karta sanado badan, marka la eego sida ay u badan yihiin dadka doonaya inay soo galaan Mareykanka, oo sanadkii dhan 200,000 oo qof.