Home Wararka Maanta Sharcigii NISA oo Maantay La Horgeeyey Aqalka Sare iyo Dood Culus oo...

Sharcigii NISA oo Maantay La Horgeeyey Aqalka Sare iyo Dood Culus oo Ka Dhalatay

0

Kulankii maanta ee Aqalka Sare ayaa waxaa la hor-geeyay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kaasi oo uu horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Sharcigan oo ah mid muhiim ah ayaa sidoo kale waxaa dhawaan meel-mariyay Golaha Shacabka, ayada oo marsiiyeen illaa saddex akhrin oo ay uga doodayeen sharcigaan oo noqonayo kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA.

Kulanka maanta ee Aqalka Sare ayaa waxaa sharcigan lagu marsiiyay akhrinta koowaad, ayada oo kadib guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim uu faray guddiga golaha ee shaqada sharcigan u xilsaaran ay la wareegaan sharcigaas kana soo shaqeeyaan.

Wasiiru-dowlaha amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo golaha khudbad ka jeediyay ayaa sharaxaad ka bixiyay ahmiyad ay leedahay in 53 sano kadib ay NISA yeelato sharci rasmi ah.

“Faa’iidada uu sharcigan leeyahay waa in lala xisaabtami karo hay’adda, qoddobada ugu muhiimsan ee sharcigan tilmaamayo waxa kamid ah in hay’adda aysan qofka hayn karin 48 saac kabadan, in hay’addu ay xiri karin qofna waaran maxkamadeed la’aan iyo in hay’addu aysan yeelan karin xabsiyo qarsoodi ah oo dadka ku xirto,” ayuu yiri.

“Qoddobadan waa kuwii ku suntana tacadiyadii lagu geystay magaca hay’add, sidaas darteed ayaa sharciga loogu cadeeyay in laga saaray si aad uga xisaabtantaan idinka iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiiru-dowlaha ayaa sidoo kale waxa uu mudaneyaasha golaha ka codsaday in ay sharcigan siiyaan kalsoonidooda, si uu unoqdo mid dhaqan-gala oo ay hay’addu ku shaqeyso.

“Waxaa maanta haysana fursad qaali ah oo aynu mustaqbalka dalkeena ugu horseedi karno nabad, barwaaqo iyo horumar. Haddaba si aan yoolka u gaarno waxa loo baahan yahay in aan seeska iyo salka u dhigno sharciyadii ay ku dhismi lahayd dowladnimada cusub ee Soomaaliya.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa taariikhda ku gali doontaan la idinkuna xasuusan doonaa in aad noqon doontan kuwii u horeeyay ee hay’addan sharci u sameeya.”

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleHaween Nool oo 5 cisho ka dib laga soo saaray burburka dhulgariirka Turkiga(Sawiro)
Next articleGaraadyada Laacaanood oo Shuruud adag Ku Xiray Xabad Joojintii Soomaaliland ku dhawaaqday