Home Wararka Maanta Garaadyada Laacaanood oo Shuruud adag Ku Xiray Xabad Joojintii Soomaaliland ku dhawaaqday

Garaadyada Laacaanood oo Shuruud adag Ku Xiray Xabad Joojintii Soomaaliland ku dhawaaqday

0

Isimada dhaqanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo maanta shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Laascaanood ayaa ka hadlay xabad joojintii ay xalay ku dhawaaqday Somaliland.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu soo idlaaday shirka Isimada ayaa wuxuu sheegay inay marka hore soo dhaweynayaan go’aanka kasoo baxay xukuumadda Somaliland.

Garaadka ayaa waxa uu sheegay in ay yihiin dad qaadan kara xabad joojin, hase yeeshe ay marka hore rabaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan magaalada Laascaanood, islamarkaana raali-gelin uu maamulku ka bixiyo in uu argagixiso ku tilmaamo.

“Haddii xabad joojinta dhab idinka tahay ciidankan aad magaalada ku caburineysaan ee ku duqeynaysaan ku laynaysaan dadka. Dad ciidankooda u taliya nahay oo fulin kara xabad joojin laakiin ficilkiina idinkama muuqato xabad joojintii xalay jeediseen,” ayuu yiri.

Garaad Jaamac ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in Somaliland ay dadka magaalada iyo dhaqankeeda ku tilmaaman argagixiso.

“Xabada iyo hadalka xumi waa isku mid, hadaanu hadalka xumi fogeyn. Waa Argagixiso raali-gelin ka bixiya, ciidankiina ka saara oo ka fogeeya meesha ciidankayaga iska gaarayaan.”

 

Xukuumadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah, ayada oo sheegtay in go’aankan ay u qaadatay si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

“Mowqifka dowladda ay ka gaadhay (xiisada taagan) waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad joojin bilaa shuruud ah, kuna dhawaaqdo dhankayaga. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Ad
Previous articleSharcigii NISA oo Maantay La Horgeeyey Aqalka Sare iyo Dood Culus oo Ka Dhalatay
Next articleQaramada Midoobay oo Dhawaan Xaafiisyo Ka Furan Doona Galmudug iyo Heshiis Maantay Lagu kala Saxiixday Dhuusamareeb(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here