Home Wararka Maanta Alshabaab oo Si kulul uga Jawaabtay Eedey uga Timid Soomaaliland oo ku...

Alshabaab oo Si kulul uga Jawaabtay Eedey uga Timid Soomaaliland oo ku aadan Laasacaanood

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku gacan sayrtay sheegashada Somaliland ee ku saabsan in dagaal-yahanada kooxdaas ay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Somaliland ayaa marar badan ku celisay in Laascaanood ay ka dagaalamayaan argagixisio iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, taasi oo dadka deegaanka ay horey ugu macneeyeen in loogu qiil raadinayo dilka shacabka.

Wasiirka ayaa intaasi kusii daray inay nolosha ku qabteen tiro kamid ah maxaabiis ka tirsan Al-Shabaab iyo kuwa kale oo kamid ah ciidamada Puntland, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku qabteen dagaallada ka socdo magaalada Laascaanood.

Hase yeeshee, Al-Shabaab ayaa arrintaas ku gacan sayrtay, waxayna war-saxaafadeed ay soo saartay ku tiri “Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay si adag u beeninaysaa hadal maanta oo Khamiis ah kasoo yeeray maamulka isku magacaabay Somaliland, kaas oo wasiir u hadlay uu sheegay in ay magaalada Laascaanood kula dagaalamayaan Mujaahidiinta Al-Shabaab.”

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud, oo maanta wareysi gaar ah siiyay BBC-English, ayaa yiri “”Waxaan heynaa oo aanu diiwaan-gelinay in maleeshiyaad iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada milatariga.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Xarakada Al-Shabaab waxay xaqiijinaysaa in hadalka kasoo yeeray maamulkaas uu yahay mid aan sal iyo raad lahayn. Xarakada Al-Shabaab ma aqbalayso in magaceeda laga dhigto marmarsiiyo lagu banaysto nafta, maalka iyo sharafta bulshada reer Laascaanood.”

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in sheegashada Somaliland ay tahay mid maamulka Hargeysa “uu eedeymahaas been-abuurka ah kaalmo uga helo gaalada caalamka, si ay ugu taageeraan gumaadka uu ku hayo bulshada Laascaanood.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleSweden oo Dambi ku heshay Labo Qof oo Suuli/Musqul ku Kufsaday ilmo aan qaan-gaarin
Next articleDeni oo Shir gudoomiyay Shir looga Hadlaayay Amniga Puntland Xili Dhawaan Garowe Dagaal Ka Dhacay