Home Wararka Caalamka Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in La bedelo Wakiilka Midowga Afrika usoo Magacaawday...

Dowladda Soomaaliya oo dalbatay in La bedelo Wakiilka Midowga Afrika usoo Magacaawday Soomaaliya

0

DF Soomaaliya ayaa warqad ay u dirtay Midowga Afrika, waxay ku diiday in uu John Mahama oo maalmo ka hor loo magacaabay Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya in uu xilkaas qabto, waxayna sheegtay in aan Soomaaliya looga baahneyn, sida lagu cadeeyey warqad ay dirtay wasaaradda Arimaha dibada ee Soomaliya.

Dawladda Faderaalka ayaa ku eedeysay in John uu xariir dhaw la leeyahay Madaxda dalka Kenya, oo ay isku hayaan dawladda Faderalka arrimaha la xariiro Madax banaanida gudaha Soomaaliya.

DF Soomaaliya, ergayga waxay sheegen in aan lagala tashan oo aan la marin nidaamka Diblumaasiyadda iyo sharuucda Midowga Afrika ee magacaabida xubnaha diblumaasiyadda.

John, ayaa horey looga soo eryay dalka Sierra Leone , markii lagu eedeeyey in uu faragaliyey arrimaha doorashoyinkaas dalkaas, xiligaas oo uu hogaan u ahaa Guddi kasocday Kormeryaasha Doorashooyinka ee Ururka Barwaaqo-Sooranka.

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Uganda
Next articleKenya oo Mamnuucday Duulimaadka Tooska ah ee Soomaaliya