Home Wararka Maanta Warar Dheeri Ah: Ciidanka gaaray Gaalkacyo ee Safarka Dhulka uga soo baxay...

Warar Dheeri Ah: Ciidanka gaaray Gaalkacyo ee Safarka Dhulka uga soo baxay Muqdisho

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka amababaxay magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya ayaa maanta safar dhanka dhulka ah waxa ay ku gaareen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka aya waxaa si weyn Gaalkacyo ugu soo dhoweeyay saraakiil ciidan iyo maamulka degmadaas, ayaga oo halkaasi maalmo sii joogi doono.

Ujeedka ciidamadan ayaa ah inay howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka bilaabaan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya oo ay weli degmooyin ka heysato kooxda.

Qoraal kooban oo kasoo baxay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadaas ay u diyaarsan yihiin inay xoreeyaan deegaanada maamulka Galmudug.

“Ciidankaan oo ka baxay Muqdisho ayaa safar dhulka ah ku tegay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxayna ku biirayaan cutubyo u diyaarsan inay Khawaarijta ka xoreeyaan deegaanada ay uga dhuumaaleystaan Galmudug,” ayaa lagu qoraalka warbaahinta dowladda.

Safarka ciidamadan ay ku gaareen Gaalkacyo ayaa muujinayo in guul weyn laga gaaray dagaalka Al-Shabaab, maadaama la xoreeyay inta badan deegaanada HirShabelle, taas oo u sahashay ciidamada Xoogga dalka inay safar dhulka ah ku gaaraan magaaladaasi.

Galmudug ayaa haatan isku diyaarineyso howlgallo xoreyn ah oo ka bilaabanayo gobollada maamulkaasi, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug oo ay qaybo ka joogaan Al-Shabaab.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa waxa ay ka dhasheen kacdoon shacab oo ay dadka deegaanka ka bilaabeen gobolada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe & Galgaduud kaas oo ay hoggaamineyso dowadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaana Al-Shabaab looga saaray deegaano horleh.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, taas oo dalka gelisay xaalad adag oo amni, waxayna dowladda Soomaaliya taageero ka heleysa caalamka, waxaana ugu dambeeyay Mareykanka oo shalay gaadiid dagaal iyo hub ku wareejiyay dowladda dhexe.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMuqdisho oo Shir uga Furmay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada
Next articleWar Deg Deg Ah: Putland oo ku Dhawaaqday inay tahay Dowlad ka Madax Banaan Dowlada Federaalka