Home Wararka Maanta War Deg Deg Ah: Putland oo ku Dhawaaqday inay tahay Dowlad ka...

War Deg Deg Ah: Putland oo ku Dhawaaqday inay tahay Dowlad ka Madax Banaan Dowlada Federaalka

0

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo saartay war-murtiyeed ay ku caddeyneyso inay tahay dowlad gaar ah oo ka madaxbannaan dowladda Federaalka.

“Puntland waxay Xaq u leedahay inay u dhaqanto sidii dawlad u madax bannaan fulinta waajibaadyadeeda dawliga ah” ayaa lagu yiri War murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntand.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili Madaxweyne Deni oo xalay ka hadlayey munaasabad ka dhacday Garoowe uu ku eedeeyey DF iney caqabad ku tahay nidaamka federaalka, ayna dooneyso iney soo celiso awoodii dowlad dhexe oo hal gacan ku maamusha dalka oo dhan.

Dhowaan ayey aheyd markii Puntland ay diiday qodobo ka mid ah War Murtiyeedkii ka soo baxay golaha wada tashiga Qaranka oo tilmaamayey awoodaha ay kala leeyihiin dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.

Puntland ayaa ka caan baxday 15kii sano ee la soo dhaafay iney mar walba ka hor timaado dowlada Somalia iyo go’aanada ka soo baxa, waxayna u dhameysay si ka duwan dowlad goboleedyada kale.

Hoos ka akhriso War-murtiyeedka oo dhameystiran

Ad
Previous articleWarar Dheeri Ah: Ciidanka gaaray Gaalkacyo ee Safarka Dhulka uga soo baxay Muqdisho
Next articleCiidanka Gotr Gor oo gaaray Deegaano Hoos-taga Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here