Home Wararka Maanta Alshabaab oo La Yimid Qaab Cajiib ah oo ay Kusii Aruursan karaan...

Alshabaab oo La Yimid Qaab Cajiib ah oo ay Kusii Aruursan karaan lacagihii ay Ganacsatada ka Qaadan jireen jireen

0

Kooxda Al-Shabab ayaa bilowday qaab cusub oo ay ku dhex galeyso bulshada, qaabkan waxa uu huwan yahay magac qabiil.

Kooxda ayaa dad ay rabto inay fuliyaan shaqooyin sida inay xog keenaan, canshuurta usii aruuriyaan, qaraxyo fuliyaan ama dilal abaabul iyo in mustaqbalka gabaad u noqdaan fikradooda waxay kusoo dhex daayeen goobihii laga qabsaday.

Dadkan ayaa waxay isku dhiibayaan qabiiladooda, qaar waxay sheegayaan in fikirkii ka tanaasuleen, qaarna inay markii hore kooxda ugu biireen inay danaha qabiilka difaacaan.

Fikradan cusub oo Al-Shabaab ay hindistay ayaa deegaanada qaar ka hirgeshay, ayada oo odayaasha qaar ay rag shabaab ah sheegeen inay kooxda u direen oo Beesha iyo Kooxda ay xarig u ahaayeen, si aan loo dulmin beeshaas.

Inkasta oo aysan jirin qabiil Soomaaliyeed oo ka badbaaday dulmiga Al-Shabaab, haddana illo sirdoon ayaa ku waramaya in fikirkaan uu yahay mid kooxda Al-Shabaab ugu tala-gashay inay dib ugu dhibaateyso deegaanadii laga saaray.

Dadkaan soo laabtay ee beeluhu ku hagoogteen lama marin hubin dowladeed, waxaana meelaha qaar toos loogu dhex daayay magaalooyinka, taasi oo keentay ama keeni karta dhibaatooyin hor leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii si adag uga hadlay fikirkaan cusub ee Al-Shabaab ay rabto inay markale ku dhibaateyso ciidanka dowladda iyo bulshada hogaamineysa kacdoonka.

“Warar badan ayaa isoo gaaraya oo deegaanada qaarkood dadkii Shabaabka ka tirsana ama qoryaha qaatay ee u adeegayay Shabaab inta uu hadda yimid uu yiraahda Shabaab ayaa dadka ka xigay oo dadka ka ilaalinayay, qabiilkiina uu yiraahdo halaga leexdo iyo anaga u dirnay,” ayuu yiri.

“Meel la isku diro meeshaas kuma oolin, orod dadka Soomaaliyeed soo laay ama sidii loo leyn lahaa soo fudeydi qof loo diro karay majirin iyo qof loogu cudur-daarayo majiro. Allaha ka keeno ayaa leeyahay dadka iyo qabaa’ilka leh anaga shalay dadkaan u dirnay Shabaab.”

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Shabaab dadka Soomaaliyeed ayuu leynayay oo gumaadayay, meesha meel dad loo diro kuma oolin, dadka in uu wax kasoo laayo ayaa u dirtay sow maaha.”

“Ninkasta oo kamid ahaa calamkii Shabaab ee dalka ka socda, Shabaab waaye, waa kasoo noqday oo ka tanasulay afkaartii dhibka badneyd aan isla ogaano ee in uu ku dhex fadhiyo oo telefoonkii uu idinla daba taagan oo adigana reer hebel aad tiraahdo cudur daar malaha.”

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada Germalka oo bilaabaysa Fududeenta Qaadashada Dhalashada Dalka
Next articleP.M Xamza oo Diyaarad la Raacay Qaar ka Mid ah Shacabka Soomaaliyeed(Sawiro)