Home Wararka Maanta P.M Xamza oo Diyaarad la Raacay Qaar ka Mid ah Shacabka...

P.M Xamza oo Diyaarad la Raacay Qaar ka Mid ah Shacabka Soomaaliyeed(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta u ambabaxay safar dibadeed, uu ku tegayo magaalada Qaahir ee caasimada dalka Masar, ayaa intii uu ku guda jiray safarkiisa sameeyay arrin bogaadin mudan.

Xamza ayaa waxa uu diyaaradda dhexdeeda kula kulmay, mid midna uu ula sheekeystay qaar ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee rakaabka ka tirsanaa.

Xubno ka mid ah Qurba-joogta Soomaaliyeed ee Ra’iisul Wasaaruhu la kulmay ayaa waxay uga xog warrameen dhibaatooyin kala duwan, uguna horeyso kuwa ka heysta dhinaca socdaalka dalalka ay ka yimaadaan.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa faray Wasiirka Arrimaha Dibedda, Abshir Cumar Huruse oo qayb ka ahaa wafdigiisa inuu xal deg-deg ah u helo cabashooyinkaasi.

Xamza iyo Wafdigiisa ayaa safarkooda Masar uu qaadan doona muddo saddex cisho ah, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wada-hadallo la xiriira iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar waxa uu la yeelan doonaa madaxda waddanka Masar.

Arrimaha muhiimka ah ee uu kala hadlayo waxaa kamid ah dagaalka Al-Shabaab oo ay haatan dowladda federaalka u raadineyso taageero caalami ah, si looga adkaato.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu booqan doonaa xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira, isaga oo la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa ka dhexeya xiriir dheer oo soo jireen ah, kaas oo ku qotoma dhanka waxbarashada iyo taageerada dhanka bani’aadanimada.

Ad
Previous articleAlshabaab oo La Yimid Qaab Cajiib ah oo ay Kusii Aruursan karaan lacagihii ay Ganacsatada ka Qaadan jireen jireen
Next articleAkhriso: Cuqaasha Gobolka Sool oo 12 qodob ka soo saaray colaada Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here