Iyadoo magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay maalmahan ka socdeen dibed baxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo Maamulka halkaas ka arrimiya ee Somaliland ayaa waxaa duhurnimadii maanta lagu dhowr qofood oo uu ku jiray oday ka tirsanaa waxgaradka magaaladaas.
Labo qof oo uu ku jiray Marxuum Bidde Faarax Caalin ayaa lagu dilay Laascanood ka dib markii ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamada Somaliand.
Marxuum Bide oo sidoo kale ka mid a qurba joogta kasoo jeeda gobolka Sool ayaa la dilay wax yar ka dib markii uu ka soo baxay Masaajid uu ku soo tukaday salaada Jimcaha.
Goob joogayaal ayaa sheegay in goobta laga qaaday dad ka badan 10 qof oo ku dhaawacmay rasaasta ay fureen ciidamada Somaliland kuwaasoo haatan lagu dabiibayo isbitaalada Laascaanood.
Rabshadaha ka taagan magaalada Laascaanood ayaa sii xoogeysanaya maalin maalinta ka dambeysa, iyadoo haatan la maqlayo rasaas culus oo ciidamada Somaliland la beegsanayaan shacabka ka soo horjeeda ee dibed baxyada dhigaya.
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo