Home Wararka Maanta Xasan Sheekh Maxamuud oo shaaciyay xilliga lasoo celinayo dhammaan ciidamada Soomaalida ee...

Xasan Sheekh Maxamuud oo shaaciyay xilliga lasoo celinayo dhammaan ciidamada Soomaalida ee ku sugan Eritrea

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in dhammaan ciidamada haatan ku sugan dalka Eritrea ee tababarka loogu soo xiray halkaas ay dalka dib ugu soo laaban doonaan dhammaadka bisha January ee sanadka foodda nagu soo haya.

Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in kooxda ugu horreysa ee hordhaca ah ay dalka ku soo laabanayaan bishan December balse bisha koowaad ee sanadka soo socda ay dhammaantood ku wada sugnaan doonaan gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay xilli uu la hadlayay Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee Mareykanka, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

“Dhalinyarada Eritrea jirta mar dhaw wey imaanayaan, bisha aan ku jirno ee December inta aysan dhammaan wey soo bilaabanayaan, January wey soo dhameystirmi doonaan, waa diyaar arrintaas, dib u dhac dambe mar dambe ma rajeyneyno,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu beeniyay in uu ka qeyb qaatay warar la isla dhexmarayay oo ku saabsanaa in ciidamada ku sugan halkaas ay ka barbar dagaallameen kuwa Eritrea xilligii uu socday dagaalkii Tigray.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay howlgalka Midowga Afrika ee Atmis kaalintooda ku aaddan ka shaqeynta amniga dalka isla markaana naftooda ay u hureen sidii dalka loogu soo celin lahaa xasiloonida.

Wuxuu intaa ku daray in ciidamada nabad-ilaalinta ee howlgalka Atmis ay qeyb weyn ku leeyihiin la dagaallanka Al-Shabaab.

“Aad iyo aad ayaan uga mahadcelinayaa, muddo ayay nala soo joogeen 15 ilaa 16 sano, rag badan iyo gabdho badan baa ku dhintay…qiyaas gabadha degan Uganda oo seygeedii iyo ama wiilkeedii ku dhintay Soomaalya, Ma jiro wax dan ah oo Uganda ka jiro Soomaaliya oo ay is leedahay amaad ka heshaa Soomaaliya oo siyaasad ama wax kale ma jiraan, xudduud nagama dhexeeyo”.

Madaxweynaha wuxuu sidoo kale sheegay in meesha lagu gaaro bisha December ee sanadka 2025-ka ay si rasmi ah dalka uga bixi doonaan ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

“Mas’uuliyada amniga dalkeena iyo dadkeena anaga ayay na saaran tahay, marka aan gabnay ayay dadkaas inoo soo gurmadeen , hadda waan soo jeednaa waxaan go’aansanay in mas’uuliyaddii dadkeena iyo dalkeena aan dib ula soo noqonno , qorshe ayaa degan, heshiis baa yaalla bisha December 2024 askariga ugu dambeeyay ee Atmis ayaa dalka ka bixi doonaa”.

Horay waxaa Soomaaliya uga dhacay dibadbaxyo dowladda codsanayay inay meel ku sheegto ciidamadii tababarka loo geeyay Eritrea.

Ad
Previous articleCiyaartoydii goolasha ka cunay France oo si cunsuriyad leh loola dhaqmay(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Dhuusamareeb Dib ugu laabatay(Sawiro)