Home Wararka Maanta Ciyaartoydii goolasha ka cunay France oo si cunsuriyad leh loola dhaqmay(Sawiro)

Ciyaartoydii goolasha ka cunay France oo si cunsuriyad leh loola dhaqmay(Sawiro)

0

Ciyaartoydii reer France ee kala ah Aurelien Tchouameni, Kingsley Coman iyo Randal Kolo Muani ayaa aflagaado cunsuriyad ah loogu geystay baraha bulshada kadib guuldaradii France ka soo gaartay finalkii koobka aduunka.

Saddexda ciyaartoy oo dhamaantood ka soo muuqday finalkii Axadii ayaa waxaa fariimo xun xun iyo aflagaado loogu geystay akoonadooda baraha bulshada, sida ay sheegtay The Athletic.

Tchouameni iyo Coman ayaa labaduba qasaariyay rigooreyaal, halka Kolo Muani uu lumiyay fursad uu ciyaarta ku badin karay waqtigii dheeriga ahaa.

Afhayeen u hadlay shirkadda Meta ayaa u sheegay The Athletic iney tireen faalooyinkii cunsuriyada iyo aflagaadada xambaarsanaa ee ciyaartoydaas loogu qoray baraha facebook iyo Instagram.

‘Ma doonayno xadgudubyada cunsuriyadda ah ee Instagram-ka, waxaanan ka saarnay faallooyinki karaahiyada ahaa ee jabinta sharciyadayada. Waxaan sidoo kale rabnaa inaan gacan ka geysanno sidii aan dadka uga ilaalin lahayn inay marka hore arkaan xadgudubkan, waana sababta aan u sameynay Ereyada Qarsoon, oo ah muuqaal shaandheynaya faallooyinka xunxun’ ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Meta

“Waxaan si toos ah ula xiriirnay ciyaartoyda iyo kooxahooda, oo ay ku jirto tan iyo finalkii shalay, si aan u siino taageero oo aan ka caawino inay shidaan qalabkan.” ayey sidoo kale intaas ku daray Meta.

Bayaan ay soo saartay goor dambe ayay Bayern Munich ku qortay: “FC Bayern waxay si adag u cambaaraynaysaa hadalladii cunsuriyadda ahaa ee ka dhanka ahaa Ciyaartoyga Kingsley Coman. Cunsurinimadu boos kuma laha ciyaaraha iyo bulshadayada.”

Tacaddiyada ay heleen ciyaartoyda Faransiiska ayaa la mid ah tii dhacday ka dib guul daradii England ka soo gaartay rigoorayaal finalka ciyaarihii Euro 2020 ee sanadkii hore.

Ciyaartaas ka dib Bukayo Saka, Marcus Rashford iyo Jadon Sancho, oo dhamaantood khasaariyay rigoorayaal, waxay internetka ku qaabileen cunsurinimo.

Ad
Previous articleXildhibaan Ilhaan Cumar oo kusoo wajahan Soomaaliya Todobaadkaan
Next articleXasan Sheekh Maxamuud oo shaaciyay xilliga lasoo celinayo dhammaan ciidamada Soomaalida ee ku sugan Eritrea

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here