Home Wararka Maanta Faahfaahin: Ugu yaraan 5 deegaan oo Hor leh laga xoreeyey Al-Shabaab...

Faahfaahin: Ugu yaraan 5 deegaan oo Hor leh laga xoreeyey Al-Shabaab Xili Jiho Cusub uu Dagaal uga Furmay

0

xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyey saldhigyadii Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Saldhigyada ay ciidamada xoogga dalka ka burburiyeen Al-Shabaab ayaa ku kala yaalay degaanada kala ah Baladul-Amiin, Ay-Buralay, Kushka, Dharabka, Fulaydheer iyo degaanno kale oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha Guutada 7-aad Qeybta 12-ka April Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) oo hawlgalka hoggaaminayey ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay sii wadi doonaan baacsiga Al-Shabaab, inta laga ciribtirayo dhammaan deegaanada gobolkaas.

Dhinaca kale,Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta gaaray degaanka Guulane oo hoos taga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliyaha waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Agaasime Muxudiin Xasan Juris Saabeey oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda, taliyaha booliska HirShabelle Col. Xasan Dhicisow iyo saraakiil kale.

Saraakiishaan ayaa booqanaya deegaano u dhow Guulane oo saacadihii lasoo dhaafay ay ciidamada dowladdu ku laayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Inta badan gobollada ay Al-Shabaab ka joogaan dalka waxaa ka socda guluf dagaal oo aad u culus, iyadoo guulo waaweyn ay ciidanka dowladdu ka gaareen dagaalkaas ka dhanka ah Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Wasiir C.Rashiid Janan iyo Wafdigiisi oo ugu Danbayn Gaaray Degmada Dooloow(Sawiro)
Next articleMudo kororsigii uu Horay usamaystay Laftagareen oo Qarka usaaran inuu Fashilmo