Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Wasiir C.Rashiid Janan iyo Wafdigiisi oo ugu Danbayn Gaaray...

Wararkii ugu Danbeeyey Wasiir C.Rashiid Janan iyo Wafdigiisi oo ugu Danbayn Gaaray Degmada Dooloow(Sawiro)

0

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Senator Cabdullahi Fartaag ayaa caawa gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo, halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay loo diidanaa.

Galabta ilaa fiidkii hore ee caawa waxaa Doolow ka taagneyd xiisad ka dhalatay hor istaag lagu sameeyey masuuliyiintaas oo dooneysay inay gudaha u galaan magaalada.

Maamulka gobolka Gedo ayaa is hortaag ku sameeyey masuuliyiintaan oo ka yimid dhinaca Mandheera, kuwaas oo doonayey inay soo galaan Doolow.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo oo lagu magacaabo Diini ayaa la sheegay inuu ugu dambeyntii ku guuleystay in masuuliyiinta kale ee gobolkaas uu ku qanciyo in Doolow uu tago wafdiga Janan.

Sawirro lagu baahiyey warbaahinta ayaa waxaa ka soo muuqday abaandulaha guutada 10-aad Cismaan Niinile oo safarka ku wehliyay Janan iyo Fartaag.

Waxaa jira siyaasiyiin iyo saraakiil ka soo hor jeestay is hor taagga lagu sameeyey wafdigaan, taas oo xiisad ka abuurtay degmooyinka gobolka Gedo, gaar ahaan Doolow op caawa ay xaaladu degan tahay, kadib markii la xaliyey xiisadda.

Siyaasiyiintaan weli ma cadeyn qorshaha safarkooda, balse wuxuu ku soo aadayaa iyadoo dhawaan la dilay Taliyihii NISA ee gobolka Gedo Bakaal Kooke, sidoo kalena gobolka uu ka taagan yahay jaha wareer maamul oo xoog leh.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo sifo cajiib ah ku macneeyey ‘guul darada’ Al-Shabaab
Next articleFaahfaahin: Ugu yaraan 5 deegaan oo Hor leh laga xoreeyey Al-Shabaab Xili Jiho Cusub uu Dagaal uga Furmay