Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowlada Soomaaliya oo shaacisay arrin murugo leh oo Al-Shabaab ay kula kaceen...

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay arrin murugo leh oo Al-Shabaab ay kula kaceen dagaalamayaashooda

0

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu cambaareyay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo Al-shabaab ay dagaalyahanadoodii ugu geysteen degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Bayaankaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay xasuuq wadareed u geysteen dagaalyahano ka badan 100 qof oo looga dhaawacay dagaaladii ay ku galeen deegaanada HirShabeelle.

“Dowladda Federaalka ayaa tacadiyadaas ku tilmaantey kuwo ka baxsan diinta Islaamka, aadminimada iyo dhaqanka Soomaaliyeed intaba,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Warka dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Dhakhaatiirta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo diyaar u ahaa daweynta iyo xanaaneynta Khawaarijta dagaalka ku dhaawacmey, ayaa ka war helay in la helay godad waaweyn oo lagu guray Khawaarijta iyagoo dhaawacan ay dhameystireen madaxda Khawaarijta ee sii cararayey.”

Sidoo kale warkaan waxaa lagu sheegay in dowladu ay aamisan tahay in dagaalka lagu qasbay dhalinyaradaas dhaawacyadooda la dhameystiray, oo hadii ay gacanta dowladda soo galaan heli lahaa dabiib caafimaad, soo dhoweyn iyo in loo diyaariyo inay bulshada dib uga mid noqdaan marka ay dhameystaan barnaamijyada dhaqan celinta ee dowladda.

“Waxaa mar kale loogu baaqayaa dhalinyarada la khaldey inay iska diidaan awaamiirta horjoogeyaasha arxanlaaweyaasha ah, ayna degdeg isugu soo dhiibaan dowladda si naftooda iyo mustaqbalkooda loo badbaadiyo,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedkaan ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanku Al-shabaab ka qabsadeen degmada Aadan-yabaal ayaa duleedka degmadaas iyo deegaano kale oo kooxda laga saaray waxaa lagu arkay meydadka dagaalyahanadii kooxda oo toban-toban loo aasay.

Warkaan ka soo baxay dowladda ayaa muujinaya in Al-Shabaab ay bilaabeen inay dhameystiraan oo laayaan dhaawacyada dagaalyahanadooda ka soo gaara dagaalka ay kula jiraan dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleGanacsade Maxamed Cali Mursal oo lagu Afduubtay Wadanka Koonfur Africa iyo Booliska oo Wali Baadigoobaaya
Next articleGolaha Aqalka Sare oo kulan yelanaaya maanta ugana doodaya laba qodob oo Muhiim ah